Sunday, February 12, 2017

Madaxweyne Farmaajo noqo, sida madaxweyne Buhari

W/Q: Hassan Kheyre

Horraantii sanadkii 2015, dadka Nigeria wax ey doorteen madaxweyne Buhari, oo ah madaxweynihii 15aad, oo uu dalkaas yeesho. Ka hor doorashadiisa, ballanqaadyada uu sameeyay waxaa ugu muhimsanaa labo qodob, oo kala ah: La dagaallanka musuqa iyo La dagaallanka ururka argagaxisada ah ee BOKO HARAM. Dhinaca kale, Soomaaliya waxa ey dooratay Madaxweyne Farmaajo, oo ah Madaxweynhii 9aad, in kastoo olalaha doorashada madaxweyne Farmaajo u la mid ahaa kii uu doorasha 2012kii ku galay, eyna ugu muhimsan yihiin: tayeynta ciidanka, sugidda amniga iyo xasalinta dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib-u-hishiisiinta.

Madaxweynaha Nigeria Buhari [bidix] iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo [midig].
Soomaaliya iyo Nigeria, waxa ey ka mideysan yihiin dhibatooyin badan, sida: amni darrada, musuqa, abaaraha soo noqnoqda, ka faa’ideysan la’aanta qeyraadka IQB. Ku dhowaad nus qarni ayey dhibaatooyinkaas ragaadiyeen waddammadaas [Soomaaliya iyo Nigeria]. Haddaba, dalka Nigeria wuxuu u muuqdaa mid ka gudbaayo caqabadahaas, hoggaamiye wanaagsan uu helay owgeed.
Dadaallo badan ayuu sameeyay Madaxweyne Buhari, si uu ugu hortago musuqa baahay ee dalkiisa ka jiray, waxa uu sameeyay guddiga ka hortagga musuqa iyo soo celinta hantida la lunsaday. Waxa uu ballan qaaday, in uu cafin doono shaqsigii iskiis u soo celiyo hanitada uu lunsaday, halka, kuwa aan soo celin xabsi loo taxaabi doono. illaa iyo hadda waa 1 sanno iyo bar, hanti lagu qiyaaay 1.3 billion dollar ayuu soo celiyay, oo iskugu jira lacago caddaan ah, guryo iyo baabuur, inta badan ey soo celiyeen Madaxweynayaal hore, Senatorro hore iyo guddoomiyaal gobal.
Dhinaca kale, waxuu shaqada ka joojiyay dhowr shirkadood, kuwaasoo qandaraasyada ku helay si musuqa ah, laguna soo eedeeyay musuq, eyna ka mid yihiin: shirkadda dhisaysa Airport-ka Abuja iyo midda dhisaysa qatka tareennada. Dadaadaalladaas tirada badan, waxa ey horseedeen, in Nigeria kor uga soo kacday liiska musuqa iyo maamul xumo, ee ey sameyso hay'adda daahfurnaanta caalamigga ah (Transparency International).
Waxaa imid dunnida aniga waxne heysan, waxa aan ka tagi doonaa wax la’aan, Maxay tahay sababta aan wax u xadaayo.
Ka hor doorashadii Madaxweyne Buhari, Ururka Boko Haram waxa ey gacan ku hayeen 1 maamul gobaleed, oo ah Borno State, sidoo kale, waxa ey weerarro dadban iyo kuwa toos ka geysan jireen guud ahaan dadlkaaas. Hadda xaaladda sidii hore wey ka duwan tahay, dowladda ayaa la wareegtay guud ahaan maamul gobaleedka ey ka talin jireen Boko Haram, amniga dadlka waa mid xasilan, sidaas si la mid ah haraadigii Boko Haram waxa ey ku firxadeen xudduudaha ey Nigeria la wadaagto waddammada Niger, Cameron iyo Chat. Howlgallada amniga waxaa barbar socday, in adeegyada aas’aasiga la gaarsiyo degaannadaas, sida: caafimaadka, waxbarasha IQB.
Saameynta ururka Boko haram oo sii yaraaneyso, ka dib marka uu xukunka la wareegay Madaxweyne Buhari
Nimaad sugeyso oo aan soo socon.
Shacabka Soomaaliyeed oo ah dad niyadsan, rajo wanaaagsan ayey ka fishaan madaxda la soo doorto, taasoo tusaale u ah, sida ay shacabka ay u soo dhoweeyaan, balse, howsha waxa ey iskugu biyo shubataa, maahmaahda aheyd: “Nimaad sugeyso oo aan soo socon iyo nimaad soortey oo aan kaa socon”
Sanadihii dambe, musuqa ka jira dalka waxa uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxaa la xalaalaystay hantida dawladda lana iibsaday, canshuurihii dalka waxaa loo samaystay shirkado gaar ah, qandaraasyada lagu ma bixiyo tartan hufan oo xalaal ah, sidaas si la mid ah waxaa sii kordhay dhaca iyo boobka loo geysanaayo hantida guud.
Dhinaca kale, nabadgelyada dalka ayaa noqotay mid faraha ka baxay, waxaa dhacay weerarro kala duwan, kuwaas loo geystay xarumo dowladeed iyo kuwa shacab, laguna dilay shacab iyo madax. Sidoo kale, faro ku heynta dowladda waxaa ka baxay magaaloooyin badan, oo Al shabaab dib u la wareegeen.
“Bil saddex gurigaaga waa kaa waddaa, guri kalena kuma gaarsiiso” fudayd iyo fadiidnimo ma fiicno, haddaba, waqtiga wuu dheeryahay oo waaa 4 sano, balse, arrimahaas oo aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa laga filaa, in uu wax ka qabto madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ee yeysan noqon “Sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn”.


Friday, February 3, 2017

Abaarraha iyo caafimaadka bulshada.

W/Q: Hassan Kheyre

Sannad walba, dalka waxaa ku soo noqnoqda abaaro. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, dalka waxaa ka jiray abaaro, oo inta badan gobollada dalka saameysay, kuna baahday.
Abaartaas, waxa ey saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Saameyntaas oo ah mid dhaqaale, caafimaad, deegaan bulsho iyo kuwo kale oo badan. Haddaba, haddii aan eegno, saameynta abaaraha ku leedahay caafimaadka bulshada, waxaa loo kala qaadaa labo mid: mid waqti dhow iyo mid waqti fog. 

Qoysas Soomaaliyeed oo biyo dhaamis ku jiraan. 
Saameynta caafimaad ee waqtiga dhow, waxaa sababa: yaraansha cunnada iyo biyaha, halka midda mid waqtiga fog, ey ka mid yihiin, in ilmaha ku reebto nafaqadarro soo jireenka (Coon), xannuunyada ku dhac maskaxda, cudurka sonkorta iyo kansarka ku dhaca Naasaha.
Haddii ey biyahu yaraadaan waxay noqdaan kuwa wasaqeysan, waxaana ka dhalan kara, cudurada la xiriira biyaha sida: Shuban biyoodka, Daacuunka iyo Tiifoowka. Sidaas si la mid ah, yaraasha cuntada waxa ey sababtaa in heerka nafaqadarada [macluusha]  gaarto meel halis ah. Sababahaas ayaa kuwa ugu waaweyn ee keena dhimashada bulshada ey saameyso Abaarta.

Xoolo bakhtiyay, ka dib markii ey saameysay abaarta.
Si looga hortago halista caafimaad ey abaarraha geystaan iyo dhimashaduba, waxaa muhim ah: - in goobahaas la geeyo shaqalaaha caafimaad, kuwaas oo daweeyo bukaannada xannuunsan, gaar ahaan kuwa uu ku dhacay cudurrada la xiriira biyaha. - In la qeybiyo biyo nadiif ah, maadaama biyo yaraan jirto, haddane noqdeen kuwa wasaqeysan. – In sare u qaadis lagu sameeyo, wacyiga bulshada ee arrimaha caafimaadka iyo nadaafadda, sida in lagu dhiirrogeliyo illaalinta fawydhowrka iyo cabida biyo nadiif ah.
Dhinaca kale, maadaama ey jirto yaraansho cunno waxaa laga maarmaan ah – In guud ahaan la qeybsho cunto, loona qeybiyo bulshada la soo daristay abaarta, si loogu hortago nafaqadarada [macluusha] heerarkeeda kala duwan, ayadoo la sameynaayo barnaamijka cunto-qaybinta guud. – In la sameeyo barnaamijka quudinta dheeriga ah oo lagu daweynaayo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] dhexdhexaadka ah, si looga hortago ka daridda xaaladdooda. – In la furo xarumo lagu daweeyo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] daran ama liita, há ahaato xarumo bukaan socod ama kuwa bukaan jiif.
Qoysas Soomaaliyed oo cunto qeybin loo sameeyay, ka dib marka ey abaartu saameysay.
Ugu dambeytii, abaaraha waxa ey bulshada ku reebaan xannuunada ku dhac maskaxda, sida: Walaaca, Welwelka, iyo Niyad-jab / Diiqada. Waxaa muhim in dhibbanayaasha helaan la talin xagga xannuunyada maskaxda ah, lana furo xarumo u gaar ah xannuunnada maskaxda lagu daweeyo.. 

Friday, March 25, 2016

Cudurka Qandho-Caseeyaha oo ka dilaacay Angola iyo Saameynta Soomaaliya ku yeelan karro.

W/Q: Hassan kheyre.

Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxa ey xaqiijisay, in cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever) uu ka dilaacay waddanka Angola. In ka badan 1,132 qof ayuu ku dhacay, kuwaas oo iskugu jirra kuwa la xaqiijiyay iyo kuwa aan la xaqiijin. 
WHO waxa ey walaac ka qabtaa, in cudurkaan ka gudbo soohdinta, uuna noqdo mid ku faafa caalamka, inkastoo, hadda uu u gudbay waddamada Shiinaha, Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Soomaali badan ayaa ku nool Angola, ilaa iyo hadda 17 qof oo soomaali ah ayaa u dhimatay cudurka. halka kuwa kale oo xannuun qaba ey u soo safreen geeska Afrika iyo Soomaaliya, sida ey sheegtay BBCSomali. Illo xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in 1 (hal) wiil soomali ah u dhintay cudurka dalka kenya, kana yimid Angola.
Waddankeena aad ayuu ugu liitaa “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”, sidaas owgeed, bulshadeyna waxaa muhim in ey xil iska saarto arrintaan, eyna wax ka ogaato waxa uu yahay Cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever).
Waddamada halista ugu jira cudurka iyo kuwa gaar ku yahay.

Haddaba, Cudurka Caseeyaha ama afka qalaad lagu dhaho "Yellow Fever", waa xannuun uu sababo jeermiska fayraska, eyna kala gudbiso kaneecada. Waa xannuun la iska tallaalo, badana waxaa laga hellaa dhulalka kuleylaha.
Dadka qaar ma dareemaan calaamadaha cudurka, balse, calaamadaha waxaa ka mid ah:- qandho siyaado ah, kala goys xannuun, madax xannuun, lalabo, matag, caajis iyo tabardarro. Saacado ama maalin ka dib, waxaa billaabma in indhahu casaadaan/cagaartaan ama jaallo noqdaan, sida qofka in uu cudurka cagaarshow qabo, ka dibne waxaa yimaado dhiig bax iyo in qofka uu miyir doorsoomo, ugu dambeyn ilaa ey ka fadhiistaan kilyaha iyo beerka.
Ma jirto daawo loogu talagalay cudurkaan, laakiin qofka waxaa la siiyaa faleebo lagu fuuq celiyo iyo qandho jabiye, balse, xanuunka waxaa looga hortagaa tallaal, qofkasta oo da'diisu ka wayn tahay 9 bilood oo ku nool, u safrayo,  ama ka yimid dhulka caseeyaha uu ka dillaaco, waa in uu tallaal maraa.
Tallaabooyingaan ayaa muhim ah, si aad uga badbaadid cudurka, haddii u kugu dhacayne  saa’id kuu sii waxyeeleen:-
  1. Waa inuu qofka ka fogaadaa daawooyinka qaar sida "Asprin" waayo waxa uu sii badiyaa dhiigbaxa.
  2. Waa inuu qofka iska ilaaliyo, in ey kaneeco qaniinto si uusan xanuunka u qaadin, hadduu ku nool yahay meel halis ah.
  3. Haddii aad xanuunsatid, ha soo safrin si aadan halis u galin ehelkaaga iyo qaraabadaada,
  4. Haddi aad u safreysid waddamada khatar u ah cudurka, waa in aad qaadatid tallaalka cudurka.
Ugu dambeyn waxaa muhim, in dowaladda soomaaliya ey il gaar ah ku eegto arrintaan, eyna si adag u adkeyso “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”.


Fiiro Gaar ah: WHO ma eysan xaddidin socdaalka iyo safarka ganacsi ee Angola.

Friday, February 26, 2016

Cudurka Duumada/kaneecada.

W/Q:- Hassan kheyre
Cudurka Duumada/kaneecada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhullalka kuleylaha, sida meello ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.. sanadka 2014, 12,120 kun oo bukaan oo qaba cudurka Duumada/kaneecada ayaa la diiwaan geliyay Soomaaliya.
Gaduud: wadamada halista ugu jira cudurka Duumada. Cagaarka: wadamada aan halista ugu jirin
Duumadu/Kaneecada, waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa  nooca dhedigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada/Kaneecada.
Haddaba, noolaha sababa xanuunka Duumada/kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa beerka, si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan dhiigga, si ey cudurka u bilaabbaan laba toddobaad ka dib, inkastoo, noocyo ka mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan beerka, muddo aad u dheer. 
Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’
Calaamadaha lagu garto Duumada/kaneecada ayaa ah: qandho/xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun, xanuunka kala goysyada, matag, qar-qaryo, dhidid, iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahaan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan, amaba soo bixitaan koodu qaato, toddobaad iyo ka badan, kadib marka ey qaniinto kaneeco sumeysan.
Dadka ey Duumadu/kaneecadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood, aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin Duumo/kaneeco, markaasne uma lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo/kaneeco.
Baahsanaan cudurka Duumada soomaaliyaa iyo Goballada ukala badanyihiin.
Ma jirro talaal lagaga hortago Duumada/kaneecada, balse, waxay sababtaa xanuun xun. oo keeni kara dhimasho, kuguna dilli karo 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, iskana ilaalisid qaniinyada kaneecada. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan. Haddaba, sameey arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, seexo guri ku leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi gurigga dawooyinga dila kaneecada.
Marka laga hadlaayo daawadda Duumada/kaneecada, waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqaysid. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada, una qaado dawada sida loo qoray. 


Thursday, February 4, 2016

Ma habboon tahay, in la hirgeliyo tallaalka dabeysha aan nooleyn?

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bishan Oktoobar 2015, dowladda Soomaaliya, waxa ey hirgelisay, tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa eyna joojin doontaa, tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka ey taariikhdu tahay bisha April 2016. In la hirgeliyo tallaakan, waxa sabab u ah, ka dib, markii labo iyo toban billood ey ka soo wareegtay, qof qaba cudurka dabeysha, lagana waayay Soomaaliya.
Tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa la soo saaray sanadkii 1955, uuna soo saaray Dr Jonas Salk. Tallaalkan waxa uu ka kooban yahay, seddexda nooc ee fayruska sababa cudurka dabeysha, oo aan nooleyn.
Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%.
Bishii May 2013, shirka golaha caafimaadka adduunka, ayaa lagu ansixiyay, qorshaha cusub ee dabargoynta cudurka dabeysha, kaasoo soconaayo 2013 - 2018, ujeedaduna tahay, in dallalku ey hirgeliyaan tallaalka dabeysha aan nooleyn, ayne joojiyaan tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka taariikhdu tahay bisha April 2016.
Iyadoo hirgellinta tallaalkani wanaagsan yahay, balse, waxa muhim ah, in foojignaan loo yeesho, ka hirgelinta Soomaaliya waqtigan la joogo. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, laguma taliyo in ey isticmaalaan, dalalka ku shaacsan yahay cudurka dabeysha ama halis ugu jira. In kasto, Soomaaliya eysan ka md aheyn dalalkaas, balse, halis ayey ugu jirtaa, waayo, ma ahan markii ugu horreysay Soomaaliya, laga waayo cudurkan, welina lama xaqiijin karo, in la baab'iyay.
Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Haddii la hirgeliyo tallaakan, ka dibne la helo bukaan qaba cuddurka dabeysha, waxaa halis ah, in si fudud uu ku faafo cuddurka, waayo, tallaalka dabeysha aan nooleyn, ma joojiyo gudbinta fayruska , haddane, mandhicirka waxa uu siiyaa heer difaac oo aad u  hooseeya.
Waqtigan la joogo, ma muuqato, sabab loo joojiyo tallaalka dabeysha afka laga qaato,  marka cudurka Dabaysha laga ciribtiro Soomaaliya, isticmaalka tallaalka dabeysha afka laga qaato, waxa loo baahnaan doonaa in la joojiyo, lana billaabo tallaalka dabeysha aan nooleyn.

Sunday, January 3, 2016

Saameynta fatahaaduhu, ku leeyihiin caafimaadka

W/Q: Hassan Kheyre
Dawladda Soomaaliya iyo hey'adda qarammada midoobay, waxa ey sheegeen, in laga cabsi qabo, roobab iney ku fatahaan, qeybo ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale, waxaa la qiyaasay in  900,000 qof ey saameyeen.
Webigga Shabeele, oo ku fatahay agagaarka gobalka Hiiraan 
Daadadku, waa musiibo dabiici ah, oo aad u badan, taasoo saameyn ba'an ku leh caafimaadka, ha ahaato, saameyn waqti dhow ama mid waqti fog. Kuwa waqtiga dhow dhaca, waxaa ka mid ah: hafashada, qaniinyada xayaawaanka, dhaawacyada, cudurrada maqaarka iyo cudurrada faafa,  halka, dhibaatooyinka dhaawacyada, sumowga, cudurrada maskaxda, ey ka mid yihin kuwa waqtiga fog yimaada.
Biyaha daadadka, waxaa ku jiri kara waxyaabo muda ama sari kara qofka, sida: muraayad, bir, iwm, kuwaasoo sababi kara dhaawac, badanaa, waxay yimaadaan, xilliga la soo badbaadinaayo dadka iyo marka ay guryahooda ku noqdaan, dhaawacyadaas waxaa ka mid: jeextin, goysmo, murgacasho iyo dhaawacyada korantada sababta. dhinaca kale, hafashadu waxay ka mid tahay, halista caafimaad ee degdegga ah, gaar ahaan hadday biyuhu rogmayaan.
Carro-tuur looga hortagaayo fatahaadda webiga, shabeelaha dhaxe
Fatahaadahu waxay sababaan, cudurrada ka dhasha dulinka, sida: duumada, kaadi dhiigga, iwm iyo cudurrada ka dhasha biyaha, sida: daacuunka. Qaniinyada cayayaanku, sida: maska, ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka fatahaadaha.
Dhinaca kale, bulshada ey fatahaaduhu saameeyaan, waxaa lagu arkaa, cudurrada maskaxda ku dhaca, sida: walaac, argagax, niyadjab, waxaana sabab u ah, burburka guryahooda, hantidooda iyo dhimashada ehelkooda.
Ilaalinta nadaafadda shakhsiga, sida: gacan dhaqashada, waa muhiim si loo joojiyo fidista cudurrada faafa, in kastoo, ey adagtahay, in la helo biyo nadiifa oo la cabo, balse, waa u muhim  nadaafadda iyo dhaqashada gacmaha., si looga hortago cudurrada faafa.
Iska ilaali, biyaha daadadka, haddii aad qabto dhaawac furan, kuna dabool faashad, kana dhig mid nadiif ah, intii suurtogal ah, una dhaq si fiican, adigoo isticmaalaayo saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii uu ku qaniino mas, isku day in aad aragto, oo xasuusato, midabkiisa iyo qaabkiisa, waayo, waxay ku caawin, xiliga daaweynta, ka dibne raadi talo caafimaad, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Friday, October 23, 2015

Maxaa loo baaba'in layahay dalka cudurka Dabeysha?

W/Q: Hassan kheyre

Sanad walba, 24 bisha oktoobar waxaa la xusaa "Maalinta Cudurka Dabeysha". Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar, si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.
Haddaba, Dunnidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii,  horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.

Midabka Gaduudka Wadamada Aan  Laga Ciribtirin, midabka cadaanka wadamada laga ciribtiray.
Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxuu shaac/gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.
Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus, ku dhacaa caruurta iyo dadka waweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa habdhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.

Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.
Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qofqaba cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in cudurkii dabeysha la xakameeyey, laakiin, su'aasha qofwalba isweydiinaayo ayaa ah: maxaa loo baaba'in la yahay cudurka dabeysha?.
Amnidarrada, nidaamyada caafimaadka oo daciif ah, nadaafad-xumada, baahsanaan tatallaalka oo aad u yar iyo tirada dadka hela tallaalka joogtada ah, oo aad u hooseysa. Arrimahan oo dhan ayaa u sabab ah, in la ciribtiri waayo cudurka Dabeysha.

Waa Madaxa  WHO somaaliya, Dr Babul iyo Wasiirada caafimaad Hawo Hassan oo Shir jaraa'id kuwada qabtay Mogadishu,
Taxaddar dheeraad ah ayaa lo baahanyahay,  maadaama hawshii lagu dabargoynayey cudurkaaan weli la dhammeyn. Arrimahan soo socda, ayaa ah siyaabaha caafimaad ugu habboon oo loo xallinkaro caqabaddaha ah:
  • In la xoojiyo tallaalka carruurta ee caadiga ah, gaar ahaan tallaalka dabeysha.
  • In la Sameeyo hawlaha tallaalka dheeriga ah, sida: olole ballaaran iyo isbuuca tallaalka,  si ay carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano jir u helaan tallaalka.
  • In la xoojiyo nidaamyada lagula soconayo cudurka Dabeysha, si aan u cudurka u sii fidin.
  • Samaynta olole tallaal oo guri-ka-guri ah, gaar ahaan goobaha cudurku ka jiro, si carruur kasta oo ku nool guri kasta ay u helaaan tallaalka iyo qodobka ugu dambeeyo oo ah, In la ilaaliyo nadaafadda shaqsi iyo mid bulsho,  waayo, fayadhowrka wanaagsan ayaa ah qaab looga hortegi karo faafiddiisa iyo cudurro kalaba.

Waa shaqaalaha tallaalka somaaliya oo jooga xirro qaxooti Magaalada Mogadishu