Monday, September 9, 2013

HOWLGALKII MSF SOMAALIYA 1991 – 2013

W/Q: Hassan Kheyre
Ka dib, fikrado qaldan, oo laga baxshay bixitaanka MSF, ey ka baxday Soomaaliya. Warbixintan waxa ey si kooban u sharxeysaa, waxqabadkii gargaar, ee ay fidisay MSF, muddo 20 sanno ah (1991-2013). Maqaalkan, waxa aan ku xusi doonaa, waxa ay tahay MSF, sababta Soomaaliya u soo gashay, mashaariicda ey ka fulisay, caqabaddaha ey la kulantay iyo sababta uga baxday.
MSF, waa urur samafal, oo caalami ah, luqad ahaan macnaheyduna yahay, ururka daqaatiirta aan xuduudda lahayn, waana urur madax bannaan, kana madax bannaan, dowlad, siyaasad, diin, iyo qabiil. MSF waxaa la aas’aasay sanadkii 1971kii, waxaana aas'aasay, koox daqaatiir ah, oo hawlgal gargaar ka fulinayay dalka Nayjeeriyaa. Waqtiaas ka dib, MSF waxa ey noqotay urur caalami ah,  kaalmo iyo gurmad fidiya.
Haddaba, sida ku cad, xeerka MSF, waxay gargaar u fidisaa, waddammada ay ka jiraan dhibaatooyinga soo socda:-
  1. Musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa beni'adamku abuuray.
  2. Rabshadaha, gaar ahaan, dadka ku waxyeellooba dagaallada. 
  3. Cudurrada, badanaa waxay diiradda saartaa, cudurrada safmarka, nafaqadarrada, kuwa dilaaga ah sida AIDS, duumada, qaaxada, daacuunka.
  4. Waddammada/goobaha uu gargaarka caafimaadka hakad galay.
MSF, ayadoo ilaalineyso mabaadii'dayda, ayey qodobbada kor ku xusan, ka heshay Soomaaliya, waayo, inta u dhaxeysay, sanadihii 1991 ilaa 1995,  waddanka waxa ka jiray: macluul baahsan, dhaawacyo dagaal, cudurrada daacuun, jadeecada iyo wasaarad caafimaad oo aan  jirin. Sidaas owgeed, ayey MSF ku soo gashay Soomaaliya.
MSF
, sahan shaqo ayey u timid Soomaaliya, bishii desember sanadkii 1990kii, waxeyna si toos ah u shaqo billowday dagaalladii sokeeye, gaar ahaan, bisha  Janaayo 1991Laga soo billaabo, jannaayo 1991 ilaa September 2013, MSF waxay gargaar bani Aadnimo u fidisay, bulshada ku nool, 10 gobbal oo Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan degmooyinga: Baydhabo, Diinsoor, Xuddur, Jamaame, Jowhar, Kismaayo, Mareerreey, Muqdisho, Gaalkacyo, Guri Ceel, Balad Weyne, Bosaaso, Burco
Dhammaan, deegaannadaas waxay ka fulisay, mashaariic caafimaad, shaqo abuuris iyo kuwa xirfad aqooneed. Daryeelka caafimaad ey bixin jirtay, waxa u ahaa mid kooban, kuna saleysanaa, daryeelka caafimaad ee aas’aasiga. kuwaas o kala ah::-

  1. Daryeelka dhaawacyada degdegga. 
  2. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,
  3. Daaweynta nafaqadarrada,
  4. Daryeelka hooyada xilliga dhalmada,
  5. Bixinta daawo lacag la’aan ah, oo tayo leh
  6. Daaweynta iyo ka hortagga, cudurrada safmarka.
  7. Bixinta adeegayada tallaalka
Bulshada Soomaaliya iyo shaqaalaha la shaqeyn jiray ururka MSF, waxaysan hilmaami doonin, mashaariicda waxtarka lahaa, ey MSF ka fulisay Soomaaliya. 7dii mashruuc ee MSF ka fulisay Soomaaliya, waxay ka la ahaayeen:
  1. Daaweynta iyo ka hortaga cudarka daacuunka, oo ka dillaacay Soomaaliya, sanadihii 1994, 1995, 1998, 2000, 2011 iyo 2012.
  2. Daaweynta nafaqadarrada iyo macaluushii ka jirtay Soomaaliya, sanadkii 1992.
  3. Furitaanka isbitaalka Xaawo Cabdi, sanadkii 2007.
  4. Furitaanka isbitaalka Dayniile, sanadkii 2007.
  5. Hirgelinta tallaalka 5ta cudur, sanadkii 2009.
  6. Ka qeybqaadashada iyo gurmadkii abaarta bariga Afrika, sanadkii 2011.
  7. Qeybinta daawo tayo leh, 1991 – 2013.
MSF waxay kala kulantay Soomaaliya caqabaddo badan, oo iskugu jira, tacaddiyo, dilal, weerraro, afduub, loo geystay shaqaalaheeda iyo weliba, faragelin ka dhan ah, howlaha Samafal ee ka wadday Soomaaliya. In kastoo, tacaddiyadahaas ey koobanaayeen, balse, waxaa ka mid ah:
  1. 20 juun, 1997 -  Dr. Ricardo Marques, oo ka tirsanaa MSF, ayaa lagu diley isbitaalka Baydhabo. dilkaas ka dib, waxa la joojiyay, hawlihii gargaar ee  Baydhabo iyo Baardheere.
  2. Bishii Diseembar 2003 - ilaaliye u shaqeynayey MSF, ayaa la diley, ka dib weerar lagu soo qaadey, xarunta MSF Mareerreey, laakiin, mashruucdaas lama xirrin.
  3. Bishii Disembar, 2007 - laba ka mid ah shaqaalaha MSF, ayaa lagu Afduubtay Bosaaso. MSF ayaa go’aansatey, in ay xirto dhammaan hawlihii caafimaad iyo kuwii quudineed ey ka waddey daafaha magaalada Boosaaso.
  4. I8 Jannaayo, 2008- waxaa weerar qorshaysan lagu dilay, seddex ka mid ah . shaqaalaha MSF oo kala ahaa: Victor, Damien iyo Maxamed Bidhaan, iyo laba qofood oo kale, magaalada Kismayo. dilkaas ka dib, MSF waxay 84 shaqaale caalami ah, ka saartay 14 mashruuc, ey ka wadday, guud ahaan Soomaaliya.
  5. 12 Maarso, 2008 - shaqaale Soomaali ah, oo u shaqeyn jiray MSF, ayaa lagu diley degmada Balcad, balse,  wax hakad ah lama gelin mashruucyada ey waddey.
  6. 19 Abriil, 2009 - Labo shaqaale, ayaa lagu afduubtay, gobolka Bakool,  oo kala ah daqtar Beljim iyo isku-duwe caafimaad.
  7. 13 octoobar, 2011 – shaqaalo ka tirsan MSF, ayaa laga afduubay xerada Dhadhaab ee Kenya, oo kala ah; Montserrat Serra oo 40 jir ah iyo Blanca Thiebaut oo 30 jir. Laakin 21 bilood ka dib, waa la sii daayay.  isla weerarkaas waxaa lagu dhaawacay, mid ka mid ah, darawallada MSF, Maxamad Xasan Boorle, oo 31 jir ahaa.
  8. 29 Diseembar, 2011 - Philippe Havet iyo Dr. Karel Keiluhu oo ka tirsanaa MSF, ayaa dil loogu geystay magaalada Muqdisho, dilkaas owgiis, MSF waxay xirtay mashruuceeda caafimaad, kii ugu weynaa, ee ey ka fulin jirtay Muqdisho.
  9. 30 Maarso, 2012 – duqeyn ayaa loo geystey isbitaalka Dayniile, duqeyntaas ayaa burburisey xarunta daaweynta degdegga ah, ee isbitaalka iyo qeyb ka tirsan qeybta qaliinka.
Ugu dambeyntii, 14 August 2013, ayee hey’adda MSF, ku dhawaaqday xiritaanka dhammaan mashruucyadii ay ka fulineysay Soomaaliya, sida ku qeexan, war saxaafadeedka ey soo saartay, waxa eyna u sababeysay, tacaddiyo iyo faragelin ka dhan ah, howlaha Samafalka, ee ay ka wadday Soomaaliya, tacaddiyadaas oo ka yimid, kooxaha hubeysan iyo madaxda maamullada maxalliga.