Friday, June 10, 2022

Falanqeyn: Xeer LR. 31/2020 Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Xubanaha Golaha shacabka u codeeynayay sharciga
Xubanaha Golaha Shacabka u codeeynaya sharciga 14/11/2018
16-kii bishii Nofember ee 2020, Madaxweyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay XEER LR. 31/2020 oo ah Sharciga GOLAHA MIHNADLEYAASHA CAAFIMAADKA QARANKA. Sharciga waxaa curiiyay wasaaradda caafimaadka, halka xukuumadda u gudbisay Barlamaanka labadiisa Aqal si looga doodo loona ansixiyo taariikhdu markay aheyd 24-tii Oktoober 2018. 

Ugu horeyn, guddoonka Golaha Shacabka ayaa Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada u xilsaaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan Hindise-sharciyeedka. Dood iyo dhowr akhrin kadib, Golaha Shacabka ayaa ansixiyey sharciga 14-kii Nofember 2018, kulan uu shir guddoominayay G/K/X/1aad ee Golaha Shacabka C/weli Sheekh Ibrahim (Muudeey). Dhammaan Xildhibaanadii madasha fadhiyay ee 158 gaarayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Sidaas si la mid ah, Golaha Aqalka sare ayaa cod aqalbiyad ah ku ansixiyay sharciga asagoo wax ka beddel lagu sameeyay ka dib seddex akhrin taariikhdu markay aheyd 23-da Nofember 2019. kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Bishii Nofember 2021, Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Fowsiyo Abikar, ayaa lagu magacaabay xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka oo ka kooban 15 xubnood, kuwaasoo ka kala yimid: W/caafimaadka, W/waxbarasahda, W/cadaaladda, Ururka Dhaqaatiirta, Ururka Kalkaaliyaasha, Ururka Umulisooyinga, Ururka Daawa-yaqaanada, Ururka Faya-dhowrka, Ururada Bulshada rayidka iyo Xarumaha waxbarashada. 

Xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka
Xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka 26/05/2022
Lix (6) bil kadib, Xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo G/K/Xiigeen Guddoonka Golaha, waxaa xilka Guddoomiyaha Golaha ku guuleystay Prof. Maxamed Yusuf, halka Dr. Cabdiladif Axmed Xasan uu noqday G/K/Xigeen Golaha. 

Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxaa uu ka kooban yahay 73 qodob; Qodobada 1-20aad, waxa ay qeexayaan dhismaha golaha, awoodaha iyo xilalka guddiga. Qodobada 21-39aad, waxay ka hadlayaan hababka diiwaan-gelinta, nidaamka ruqsad-bixinta mihnadlayasha caafimaad iyo xarumaha caafimaadka. Qodobada 40-50aad, waxay sharxayaan xadgudubyada ka yimaada mihnadlaha caafimaad, xarun caafimaad aan ruqsadda heysan iyo diidmada, cusbonaysiin iyo kala-noqoshada ruqasada. Qodobada 53-60aad, waxay ka hadlayaan asixinta iyo qiimeyta xarun waxbarasho caafimaad iyo barnaamijyadooda. Ugu dambeyn, qodobka 64aad waxa uu faafaahinayaa habka xayaysiinta adeega caafimaad.

Guddoomiye Prof. Maxamed Yusu iyo G/K/Xiigeen Golaha Dr. Cabdiladif Axmed

Muhimada uu xeerku leeyahay:

Shaqaalaha caafimaadka waa mid ka mid tiirarka uu ku dhisan yahay nidaamka caafimaadka, waxay udub dheexaad u yihiin higelinta adeegyada caafimaad. Haddaba, hirgelinta adeeg bixin caafimaad oo wanaagsan waxay ku xiran tahay aqoonta, xirfadda iyo dhiirigelinta shaqaaaaha u xilsaaran. 

Soomaaliya xaalada adagi ay 30 sano lagu jiray waxay keentay, in shaqaalaha caafimaadka ay wajaheen caqabado badan, qaar dalka ka haajiray halka inta kale aysan helin tababarrada ay u baahnaayeen. Dhanka kale, waxaa kor u kacay kulliyado iyo machadyo caafimaad badan oo gaar loo leeyahay iyo barnaamijyo lagu tababaro mihnadlayaasha caafimaadka, kuwaas oo ahaa ilaha kaliya ee lagu heli karo wax soo saarka shaqaalaha. S loo dhiso shaqaale tayo leh oo xirfad-yaqaanna ah waxaa muhim ah dejinta siyaasad qaran iyo qorshayaal ku aadan horumarinta shaqaalaha caafimaadka, tusaale; dhismaha hay'addo sharciyeed, ama ururo “association” Caafimaad.

Haddaba, Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxa uu bilow u noqon kara dib-u-habeyn ballaaran ee lagu sameeyo shaqaalaha caafimaadka kuwaaso ka qeyb qaadan karo tayada adeeg bixinta caafimaadka.

Caqbadaha horyaala fulinta sharciga:

XEER LR. 31/2020 waxuu u gudbay wajiga afaraad oo ah marxaladda fulinta. Inta badan waa wejiga ugu adag marka laga hadlaayo dajinta siyaaddaha caafimaad. hasayeeshee waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin:

Kow: Sanadkii 2004, nidaam federaal ayaa la qaatay Soomaaliya. Adeegyada arrimaha bulshada lama daadajin sida; Caafimaadka. Sidoo kale, Dowladihii dalka soo maray waxa ay ku guuldarreysteen in dajiyaan Xeerka Caafimaadka Qaranka kaasoo caddeyn lahaa qaab-dhismeedka heerarka adeegyada caafimaadka, shaqada wasaaradaha iyo waajibaadkooka.

Maadaama arrimo badan aanan la caddeynin, ayna muuqato hay’ado hal shaqo wada qabanayaan waxaa muhim ah in la helo siyaasad caafimaad loo dhan yahay oo heer federal iyo heer maamul goboleed ah.

Labo: waxaa jira cabashooyin ka yimid qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo ku salaysan habka loo maray sameynta sharciga iyo guud ahaan Siyaasadda Horumarinta Shaqaalaha Caafimaad (2016-2021). Sidaas darteed, waa in danaha maamul goboleedyadaas la tixgeliyo waayo waxa ay saamayn toos ku yeelan doonaan fulinta sharciga.

Si kastaba ha ahaatee, xalinta caqabdahaan waxay abuureysaa fursad iskaashi oo lagu fulin karo sharciga laguna dhisi karo Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Sunday, June 17, 2018

Bukaannada qaba Kansarka ku dhaca hunguri-mareenka oo ku soo badanaya Soomaaliya

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bukaannadda qaba kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, ayaa si aad ah uga soo baadanayo dalka, sida ay tilmaameyso daraasad ay sameeysay Somalia Mogadishu–Turkey Education and Research Hospital, laguna faafiyay wargeyska Seminars in Oncology.

Kansarkaan, wuxuu ku dhacaa hunguri mareenka, afka qalaad lagu yiraahdo "Eosophageal Cancer".  Wuxuu ku billowdaa buro yar oo ka soo baxdo hunguri-mareenka, taasoo marba marka ka dambaysa weynaata illaa ay xirto marinka hunguriga, waxayna badanaa ku dhacdaa qeybta hoose ee hunguriga.
Qofka xanuunkan qaba, wuxuu badanaa isbitaalka yimaadaa, markii wax liqidda ciriiri ku noqoto taasoo ah xaalad culus, balse, ka hor waxuu isku arkaa: miisaanka oo dhaca, liqidda oo dhib ku noqota, codka oo xabeeb yeesha, qufac iyo xabad xanuun.
Ujeeddada daraasaddan loo sameeyay waxay ahayd, in la ogaado xaddiga iyo baahsanaanta bukaannada qaba noocyada kala duwan ee kansarka. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday 403 bukaan oo qaba kansarka kuna sugan dalka, ayadoo la sameeyay muddada u dhaxeysay bishii jannaayo 2016 iyo maarso, 2017, ayadoo la egaayo xogta ku saabsan; nooca kansarka, da'da bukaanka iyo jinsiga.
Natiijada ka soo baxday daraasaddan ayaa ah, in bukaannada dumarka tiradoodu dhan tahay 200, halka ragguna yihiin 203. Da'da bukaannada u dhaxeyso 18 ilaa 97 sano, celceliska da'da ey tahay 53.4 sano.
Dhinaca kale, daraasaddaan ayaa soo bandhigtay natiijadda tobanka nooc ee kansarka ugu badan, kuwaaso ku dhaca bulshadeenna. kansarka ku dhaca hunguri mareenka ayaa noqday nooca ugu badan ee ku dhaca bulshadeeena (130 bukaan), halka kansarka Beerka (26 bukaan), Naaska (24 bukaan) maqaarka (17 bukaan), qanjirka cunaha (13 bukaan),  maskaxda (12 bukaan), lafaha (11 bukaan), mindhicirka iyo maroorka (11 bukaan), iyo nudaha jilicsan (11 bukaan).
Qubarada sameysay daraasaddan, sabab cilmiyaysan ma eysan sheegin, oo ku wajahan badnaashaha kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, in kasto oo ay carrabaabeen, in loo baahanyahay cilmi-baaris dhab ah, oo lagu ogaanaayo waxyaabaha sababa kansarka ku dhaca hunguri mareenka.
kansarka ku dhaca hunguri mareenka waxaa loo arkaa, walaac ka soo shaac baxaysa Soomaaliya, marka lala barbardhigo noocyada kale kansarka. Habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo ayaa ah, in marka isku aragto, in cunnadu ku dhibayso ama cadaadis xagga hunguri mareenka aad ka dareento, in aad takhtar si dhakhso ah u la xiriirto.
Waxyaabaha loo malayn karo, in kansarkaan ka qeybqaataan waxaa ka mid ah; wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara hungurig, sida: cabidda khamriga, laab jeexa joogtada ah, cabidda waxyaalaha kulkulul, sida: shaaha, cunidda miraha iyo cagaarka oo la yaraysto, gaas calooleedka, sigaarka iyo raajo isi saaridda feeraha oo la joogteeyo.

Halkaas ka aqriso maqaalka daraasadda:-
https://www.seminoncol.org/article/S0093-7754(17)30031-3/fulltext


Sunday, February 12, 2017

Madaxweyne Farmaajo noqo, sida madaxweyne Buhari

W/Q: Hassan Kheyre

Horraantii sanadkii 2015, dadka Nigeria wax ey doorteen madaxweyne Buhari, oo ah madaxweynihii 15aad, oo uu dalkaas yeesho. Ka hor doorashadiisa, ballanqaadyada uu sameeyay waxaa ugu muhimsanaa labo qodob, oo kala ah: La dagaallanka musuqa iyo La dagaallanka ururka argagaxisada ah ee BOKO HARAM. Dhinaca kale, Soomaaliya waxa ey dooratay Madaxweyne Farmaajo, oo ah Madaxweynhii 9aad, in kastoo olalaha doorashada madaxweyne Farmaajo u la mid ahaa kii uu doorasha 2012kii ku galay, eyna ugu muhimsan yihiin: tayeynta ciidanka, sugidda amniga iyo xasalinta dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib-u-hishiisiinta.

Madaxweynaha Nigeria Buhari [bidix] iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo [midig].
Soomaaliya iyo Nigeria, waxa ey ka mideysan yihiin dhibatooyin badan, sida: amni darrada, musuqa, abaaraha soo noqnoqda, ka faa’ideysan la’aanta qeyraadka IQB. Ku dhowaad nus qarni ayey dhibaatooyinkaas ragaadiyeen waddammadaas [Soomaaliya iyo Nigeria]. Haddaba, dalka Nigeria wuxuu u muuqdaa mid ka gudbaayo caqabadahaas, hoggaamiye wanaagsan uu helay owgeed.
Dadaallo badan ayuu sameeyay Madaxweyne Buhari, si uu ugu hortago musuqa baahay ee dalkiisa ka jiray, waxa uu sameeyay guddiga ka hortagga musuqa iyo soo celinta hantida la lunsaday. Waxa uu ballan qaaday, in uu cafin doono shaqsigii iskiis u soo celiyo hanitada uu lunsaday, halka, kuwa aan soo celin xabsi loo taxaabi doono. illaa iyo hadda waa 1 sanno iyo bar, hanti lagu qiyaaay 1.3 billion dollar ayuu soo celiyay, oo iskugu jira lacago caddaan ah, guryo iyo baabuur, inta badan ey soo celiyeen Madaxweynayaal hore, Senatorro hore iyo guddoomiyaal gobal.
Dhinaca kale, waxuu shaqada ka joojiyay dhowr shirkadood, kuwaasoo qandaraasyada ku helay si musuqa ah, laguna soo eedeeyay musuq, eyna ka mid yihiin: shirkadda dhisaysa Airport-ka Abuja iyo midda dhisaysa qatka tareennada. Dadaadaalladaas tirada badan, waxa ey horseedeen, in Nigeria kor uga soo kacday liiska musuqa iyo maamul xumo, ee ey sameyso hay'adda daahfurnaanta caalamigga ah (Transparency International).
Waxaa imid dunnida aniga waxne heysan, waxa aan ka tagi doonaa wax la’aan, Maxay tahay sababta aan wax u xadaayo.
Ka hor doorashadii Madaxweyne Buhari, Ururka Boko Haram waxa ey gacan ku hayeen 1 maamul gobaleed, oo ah Borno State, sidoo kale, waxa ey weerarro dadban iyo kuwa toos ka geysan jireen guud ahaan dadlkaaas. Hadda xaaladda sidii hore wey ka duwan tahay, dowladda ayaa la wareegtay guud ahaan maamul gobaleedka ey ka talin jireen Boko Haram, amniga dadlka waa mid xasilan, sidaas si la mid ah haraadigii Boko Haram waxa ey ku firxadeen xudduudaha ey Nigeria la wadaagto waddammada Niger, Cameron iyo Chat. Howlgallada amniga waxaa barbar socday, in adeegyada aas’aasiga la gaarsiyo degaannadaas, sida: caafimaadka, waxbarasha IQB.
Saameynta ururka Boko haram oo sii yaraaneyso, ka dib marka uu xukunka la wareegay Madaxweyne Buhari
Nimaad sugeyso oo aan soo socon.
Shacabka Soomaaliyeed oo ah dad niyadsan, rajo wanaaagsan ayey ka fishaan madaxda la soo doorto, taasoo tusaale u ah, sida ay shacabka ay u soo dhoweeyaan, balse, howsha waxa ey iskugu biyo shubataa, maahmaahda aheyd: “Nimaad sugeyso oo aan soo socon iyo nimaad soortey oo aan kaa socon”
Sanadihii dambe, musuqa ka jira dalka waxa uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxaa la xalaalaystay hantida dawladda lana iibsaday, canshuurihii dalka waxaa loo samaystay shirkado gaar ah, qandaraasyada lagu ma bixiyo tartan hufan oo xalaal ah, sidaas si la mid ah waxaa sii kordhay dhaca iyo boobka loo geysanaayo hantida guud.
Dhinaca kale, nabadgelyada dalka ayaa noqotay mid faraha ka baxay, waxaa dhacay weerarro kala duwan, kuwaas loo geystay xarumo dowladeed iyo kuwa shacab, laguna dilay shacab iyo madax. Sidoo kale, faro ku heynta dowladda waxaa ka baxay magaaloooyin badan, oo Al shabaab dib u la wareegeen.
“Bil saddex gurigaaga waa kaa waddaa, guri kalena kuma gaarsiiso” fudayd iyo fadiidnimo ma fiicno, haddaba, waqtiga wuu dheeryahay oo waaa 4 sano, balse, arrimahaas oo aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa laga filaa, in uu wax ka qabto madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ee yeysan noqon “Sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn”.


Friday, February 3, 2017

Abaarraha iyo caafimaadka bulshada.

W/Q: Hassan Kheyre

Sannad walba, dalka waxaa ku soo noqnoqda abaaro. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, dalka waxaa ka jiray abaaro, oo inta badan gobollada dalka saameysay, kuna baahday.
Abaartaas, waxa ey saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Saameyntaas oo ah mid dhaqaale, caafimaad, deegaan bulsho iyo kuwo kale oo badan. Haddaba, haddii aan eegno, saameynta abaaraha ku leedahay caafimaadka bulshada, waxaa loo kala qaadaa labo mid: mid waqti dhow iyo mid waqti fog. 

Qoysas Soomaaliyeed oo biyo dhaamis ku jiraan. 
Saameynta caafimaad ee waqtiga dhow, waxaa sababa: yaraansha cunnada iyo biyaha, halka midda mid waqtiga fog, ey ka mid yihiin, in ilmaha ku reebto nafaqadarro soo jireenka (Coon), xannuunyada ku dhac maskaxda, cudurka sonkorta iyo kansarka ku dhaca Naasaha.
Haddii ey biyahu yaraadaan waxay noqdaan kuwa wasaqeysan, waxaana ka dhalan kara, cudurada la xiriira biyaha sida: Shuban biyoodka, Daacuunka iyo Tiifoowka. Sidaas si la mid ah, yaraasha cuntada waxa ey sababtaa in heerka nafaqadarada [macluusha]  gaarto meel halis ah. Sababahaas ayaa kuwa ugu waaweyn ee keena dhimashada bulshada ey saameyso Abaarta.

Xoolo bakhtiyay, ka dib markii ey saameysay abaarta.
Si looga hortago halista caafimaad ey abaarraha geystaan iyo dhimashaduba, waxaa muhim ah: - in goobahaas la geeyo shaqalaaha caafimaad, kuwaas oo daweeyo bukaannada xannuunsan, gaar ahaan kuwa uu ku dhacay cudurrada la xiriira biyaha. - In la qeybiyo biyo nadiif ah, maadaama biyo yaraan jirto, haddane noqdeen kuwa wasaqeysan. – In sare u qaadis lagu sameeyo, wacyiga bulshada ee arrimaha caafimaadka iyo nadaafadda, sida in lagu dhiirrogeliyo illaalinta fawydhowrka iyo cabida biyo nadiif ah.
Dhinaca kale, maadaama ey jirto yaraansho cunno waxaa laga maarmaan ah – In guud ahaan la qeybsho cunto, loona qeybiyo bulshada la soo daristay abaarta, si loogu hortago nafaqadarada [macluusha] heerarkeeda kala duwan, ayadoo la sameynaayo barnaamijka cunto-qaybinta guud. – In la sameeyo barnaamijka quudinta dheeriga ah oo lagu daweynaayo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] dhexdhexaadka ah, si looga hortago ka daridda xaaladdooda. – In la furo xarumo lagu daweeyo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] daran ama liita, há ahaato xarumo bukaan socod ama kuwa bukaan jiif.
Qoysas Soomaaliyed oo cunto qeybin loo sameeyay, ka dib marka ey abaartu saameysay.
Ugu dambeytii, abaaraha waxa ey bulshada ku reebaan xannuunada ku dhac maskaxda, sida: Walaaca, Welwelka, iyo Niyad-jab / Diiqada. Waxaa muhim in dhibbanayaasha helaan la talin xagga xannuunyada maskaxda ah, lana furo xarumo u gaar ah xannuunnada maskaxda lagu daweeyo.. 

Friday, March 25, 2016

Cudurka Qandho-Caseeyaha oo ka dilaacay Angola iyo Saameynta Soomaaliya ku yeelan karro.

W/Q: Hassan kheyre.

Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxa ey xaqiijisay, in cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever) uu ka dilaacay waddanka Angola. In ka badan 1,132 qof ayuu ku dhacay, kuwaas oo iskugu jirra kuwa la xaqiijiyay iyo kuwa aan la xaqiijin. 
WHO waxa ey walaac ka qabtaa, in cudurkaan ka gudbo soohdinta, uuna noqdo mid ku faafa caalamka, inkastoo, hadda uu u gudbay waddamada Shiinaha, Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Soomaali badan ayaa ku nool Angola, ilaa iyo hadda 17 qof oo soomaali ah ayaa u dhimatay cudurka. halka kuwa kale oo xannuun qaba ey u soo safreen geeska Afrika iyo Soomaaliya, sida ey sheegtay BBCSomali. Illo xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in 1 (hal) wiil soomali ah u dhintay cudurka dalka kenya, kana yimid Angola.
Waddankeena aad ayuu ugu liitaa “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”, sidaas owgeed, bulshadeyna waxaa muhim in ey xil iska saarto arrintaan, eyna wax ka ogaato waxa uu yahay Cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever).
Waddamada halista ugu jira cudurka iyo kuwa gaar ku yahay.

Haddaba, Cudurka Caseeyaha ama afka qalaad lagu dhaho "Yellow Fever", waa xannuun uu sababo jeermiska fayraska, eyna kala gudbiso kaneecada. Waa xannuun la iska tallaalo, badana waxaa laga hellaa dhulalka kuleylaha.
Dadka qaar ma dareemaan calaamadaha cudurka, balse, calaamadaha waxaa ka mid ah:- qandho siyaado ah, kala goys xannuun, madax xannuun, lalabo, matag, caajis iyo tabardarro. Saacado ama maalin ka dib, waxaa billaabma in indhahu casaadaan/cagaartaan ama jaallo noqdaan, sida qofka in uu cudurka cagaarshow qabo, ka dibne waxaa yimaado dhiig bax iyo in qofka uu miyir doorsoomo, ugu dambeyn ilaa ey ka fadhiistaan kilyaha iyo beerka.
Ma jirto daawo loogu talagalay cudurkaan, laakiin qofka waxaa la siiyaa faleebo lagu fuuq celiyo iyo qandho jabiye, balse, xanuunka waxaa looga hortagaa tallaal, qofkasta oo da'diisu ka wayn tahay 9 bilood oo ku nool, u safrayo,  ama ka yimid dhulka caseeyaha uu ka dillaaco, waa in uu tallaal maraa.
Tallaabooyingaan ayaa muhim ah, si aad uga badbaadid cudurka, haddii u kugu dhacayne  saa’id kuu sii waxyeeleen:-
  1. Waa inuu qofka ka fogaadaa daawooyinka qaar sida "Asprin" waayo waxa uu sii badiyaa dhiigbaxa.
  2. Waa inuu qofka iska ilaaliyo, in ey kaneeco qaniinto si uusan xanuunka u qaadin, hadduu ku nool yahay meel halis ah.
  3. Haddii aad xanuunsatid, ha soo safrin si aadan halis u galin ehelkaaga iyo qaraabadaada,
  4. Haddi aad u safreysid waddamada khatar u ah cudurka, waa in aad qaadatid tallaalka cudurka.
Ugu dambeyn waxaa muhim, in dowaladda soomaaliya ey il gaar ah ku eegto arrintaan, eyna si adag u adkeyso “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”.


Fiiro Gaar ah: WHO ma eysan xaddidin socdaalka iyo safarka ganacsi ee Angola.

Friday, February 26, 2016

Cudurka Duumada/kaneecada.

W/Q:- Hassan kheyre
Cudurka Duumada/kaneecada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhullalka kuleylaha, sida meello ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.. sanadka 2014, 12,120 kun oo bukaan oo qaba cudurka Duumada/kaneecada ayaa la diiwaan geliyay Soomaaliya.
Gaduud: wadamada halista ugu jira cudurka Duumada. Cagaarka: wadamada aan halista ugu jirin
Duumadu/Kaneecada, waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa  nooca dhedigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada/Kaneecada.
Haddaba, noolaha sababa xanuunka Duumada/kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa beerka, si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan dhiigga, si ey cudurka u bilaabbaan laba toddobaad ka dib, inkastoo, noocyo ka mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan beerka, muddo aad u dheer. 
Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’
Calaamadaha lagu garto Duumada/kaneecada ayaa ah: qandho/xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun, xanuunka kala goysyada, matag, qar-qaryo, dhidid, iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahaan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan, amaba soo bixitaan koodu qaato, toddobaad iyo ka badan, kadib marka ey qaniinto kaneeco sumeysan.
Dadka ey Duumadu/kaneecadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood, aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin Duumo/kaneeco, markaasne uma lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo/kaneeco.
Baahsanaan cudurka Duumada soomaaliyaa iyo Goballada ukala badanyihiin.
Ma jirro talaal lagaga hortago Duumada/kaneecada, balse, waxay sababtaa xanuun xun. oo keeni kara dhimasho, kuguna dilli karo 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, iskana ilaalisid qaniinyada kaneecada. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan. Haddaba, sameey arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, seexo guri ku leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi gurigga dawooyinga dila kaneecada.
Marka laga hadlaayo daawadda Duumada/kaneecada, waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqaysid. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada, una qaado dawada sida loo qoray. 


Thursday, February 4, 2016

Ma habboon tahay, in la hirgeliyo tallaalka dabeysha aan nooleyn?

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bishan Oktoobar 2015, dowladda Soomaaliya, waxa ey hirgelisay, tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa eyna joojin doontaa, tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka ey taariikhdu tahay bisha April 2016. In la hirgeliyo tallaakan, waxa sabab u ah, ka dib, markii labo iyo toban billood ey ka soo wareegtay, qof qaba cudurka dabeysha, lagana waayay Soomaaliya.
Tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa la soo saaray sanadkii 1955, uuna soo saaray Dr Jonas Salk. Tallaalkan waxa uu ka kooban yahay, seddexda nooc ee fayruska sababa cudurka dabeysha, oo aan nooleyn.
Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%.
Bishii May 2013, shirka golaha caafimaadka adduunka, ayaa lagu ansixiyay, qorshaha cusub ee dabargoynta cudurka dabeysha, kaasoo soconaayo 2013 - 2018, ujeedaduna tahay, in dallalku ey hirgeliyaan tallaalka dabeysha aan nooleyn, ayne joojiyaan tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka taariikhdu tahay bisha April 2016.
Iyadoo hirgellinta tallaalkani wanaagsan yahay, balse, waxa muhim ah, in foojignaan loo yeesho, ka hirgelinta Soomaaliya waqtigan la joogo. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, laguma taliyo in ey isticmaalaan, dalalka ku shaacsan yahay cudurka dabeysha ama halis ugu jira. In kasto, Soomaaliya eysan ka md aheyn dalalkaas, balse, halis ayey ugu jirtaa, waayo, ma ahan markii ugu horreysay Soomaaliya, laga waayo cudurkan, welina lama xaqiijin karo, in la baab'iyay.
Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Haddii la hirgeliyo tallaakan, ka dibne la helo bukaan qaba cuddurka dabeysha, waxaa halis ah, in si fudud uu ku faafo cuddurka, waayo, tallaalka dabeysha aan nooleyn, ma joojiyo gudbinta fayruska , haddane, mandhicirka waxa uu siiyaa heer difaac oo aad u  hooseeya.
Waqtigan la joogo, ma muuqato, sabab loo joojiyo tallaalka dabeysha afka laga qaato,  marka cudurka Dabaysha laga ciribtiro Soomaaliya, isticmaalka tallaalka dabeysha afka laga qaato, waxa loo baahnaan doonaa in la joojiyo, lana billaabo tallaalka dabeysha aan nooleyn.