![]() |
| Xubanaha Golaha Shacabka u codeeynaya sharciga 14/11/2018 |
16-kii bishii Nofember ee 2020, Madaxweyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay XEER LR. 31/2020 oo ah Sharciga GOLAHA MIHNADLEYAASHA CAAFIMAADKA QARANKA. Sharciga waxaa curiiyay wasaaradda caafimaadka, halka xukuumadda u gudbisay Barlamaanka labadiisa Aqal si looga doodo loona ansixiyo taariikhdu markay aheyd 24-tii Oktoober 2018.
Ugu horeyn, guddoonka Golaha Shacabka ayaa Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada u xilsaaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan Hindise-sharciyeedka. Dood iyo dhowr akhrin kadib, Golaha Shacabka ayaa ansixiyey sharciga 14-kii Nofember 2018, kulan uu shir guddoominayay G/K/X/1aad ee Golaha Shacabka C/weli Sheekh Ibrahim (Muudeey). Dhammaan Xildhibaanadii madasha fadhiyay ee 158 gaarayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Sidaas si la mid ah, Golaha Aqalka sare ayaa cod aqalbiyad ah ku ansixiyay sharciga asagoo wax ka beddel lagu sameeyay ka dib seddex akhrin taariikhdu markay aheyd 23-da Nofember 2019. kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Bishii Nofember 2021, Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Fowsiyo Abikar, ayaa lagu magacaabay xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka oo ka kooban 15 xubnood, kuwaasoo ka kala yimid: W/caafimaadka, W/waxbarasahda, W/cadaaladda, Ururka Dhaqaatiirta, Ururka Kalkaaliyaasha, Ururka Umulisooyinga, Ururka Daawa-yaqaanada, Ururka Faya-dhowrka, Ururada Bulshada rayidka iyo Xarumaha waxbarashada.
![]() |
| Xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka 26/05/2022 |
Lix (6) bil kadib, Xubnaha Golaha Mihnadlaaysha Caafimaadka Qaranka ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo G/K/Xiigeen Guddoonka Golaha, waxaa xilka Guddoomiyaha Golaha ku guuleystay Prof. Maxamed Yusuf, halka Dr. Cabdiladif Axmed Xasan uu noqday G/K/Xigeen Golaha.
Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxaa uu ka kooban yahay 73 qodob; Qodobada 1-20aad, waxa ay qeexayaan dhismaha golaha, awoodaha iyo xilalka guddiga. Qodobada 21-39aad, waxay ka hadlayaan hababka diiwaan-gelinta, nidaamka ruqsad-bixinta mihnadlayasha caafimaad iyo xarumaha caafimaadka. Qodobada 40-50aad, waxay sharxayaan xadgudubyada ka yimaada mihnadlaha caafimaad, xarun caafimaad aan ruqsadda heysan iyo diidmada, cusbonaysiin iyo kala-noqoshada ruqasada. Qodobada 53-60aad, waxay ka hadlayaan asixinta iyo qiimeyta xarun waxbarasho caafimaad iyo barnaamijyadooda. Ugu dambeyn, qodobka 64aad waxa uu faafaahinayaa habka xayaysiinta adeega caafimaad.
![]() |
| Guddoomiye Prof. Maxamed Yusu iyo G/K/Xiigeen Golaha Dr. Cabdiladif Axmed |
Muhimada uu xeerku leeyahay:
Shaqaalaha caafimaadka waa mid ka mid tiirarka uu ku dhisan yahay nidaamka caafimaadka, waxay udub dheexaad u yihiin higelinta adeegyada caafimaad. Haddaba, hirgelinta adeeg bixin caafimaad oo wanaagsan waxay ku xiran tahay aqoonta, xirfadda iyo dhiirigelinta shaqaaaaha u xilsaaran.
Soomaaliya xaalada adagi ay 30 sano lagu jiray waxay keentay, in shaqaalaha caafimaadka ay wajaheen caqabado badan, qaar dalka ka haajiray halka inta kale aysan helin tababarrada ay u baahnaayeen. Dhanka kale, waxaa kor u kacay kulliyado iyo machadyo caafimaad badan oo gaar loo leeyahay iyo barnaamijyo lagu tababaro mihnadlayaasha caafimaadka, kuwaas oo ahaa ilaha kaliya ee lagu heli karo wax soo saarka shaqaalaha. S loo dhiso shaqaale tayo leh oo xirfad-yaqaanna ah waxaa muhim ah dejinta siyaasad qaran iyo qorshayaal ku aadan horumarinta shaqaalaha caafimaadka, tusaale; dhismaha hay'addo sharciyeed, ama ururo “association” Caafimaad.
Haddaba, Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxa uu bilow u noqon kara dib-u-habeyn ballaaran ee lagu sameeyo shaqaalaha caafimaadka kuwaaso ka qeyb qaadan karo tayada adeeg bixinta caafimaadka.
Caqbadaha horyaala fulinta sharciga:
XEER LR. 31/2020 waxuu u gudbay wajiga afaraad oo ah marxaladda fulinta. Inta badan waa wejiga ugu adag marka laga hadlaayo dajinta siyaaddaha caafimaad. hasayeeshee waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin:
Kow: Sanadkii 2004, nidaam federaal ayaa la qaatay Soomaaliya. Adeegyada arrimaha bulshada lama daadajin sida; Caafimaadka. Sidoo kale, Dowladihii dalka soo maray waxa ay ku guuldarreysteen in dajiyaan Xeerka Caafimaadka Qaranka kaasoo caddeyn lahaa qaab-dhismeedka heerarka adeegyada caafimaadka, shaqada wasaaradaha iyo waajibaadkooka.
Maadaama arrimo badan aanan la caddeynin, ayna muuqato hay’ado hal shaqo wada qabanayaan waxaa muhim ah in la helo siyaasad caafimaad loo dhan yahay oo heer federal iyo heer maamul goboleed ah.
Labo: waxaa jira cabashooyin ka yimid qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo ku salaysan habka loo maray sameynta sharciga iyo guud ahaan Siyaasadda Horumarinta Shaqaalaha Caafimaad (2016-2021). Sidaas darteed, waa in danaha maamul goboleedyadaas la tixgeliyo waayo waxa ay saamayn toos ku yeelan doonaan fulinta sharciga.
Si kastaba ha ahaatee, xalinta caqabdahaan waxay abuureysaa fursad iskaashi oo lagu fulin karo sharciga laguna dhisi karo Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.















