W/Q: Hassan Kheyre
Sannad walba, dalka waxaa ku soo noqnoqda abaaro. Lixdii
bilood ee la soo dhaafay, dalka waxaa ka jiray abaaro, oo inta badan gobollada
dalka saameysay, kuna baahday.
Abaartaas, waxa ey saameyn ku yeelatay dadka iyo
duunyada. Saameyntaas oo ah mid dhaqaale, caafimaad, deegaan bulsho iyo kuwo
kale oo badan. Haddaba, haddii aan eegno, saameynta abaaraha ku leedahay caafimaadka
bulshada, waxaa loo kala qaadaa labo mid: mid waqti dhow iyo mid waqti fog.
![]() |
| Qoysas Soomaaliyeed oo biyo dhaamis ku jiraan. |
Saameynta caafimaad ee waqtiga dhow, waxaa sababa: yaraansha cunnada iyo biyaha,
halka midda mid waqtiga fog, ey ka mid yihiin, in ilmaha ku reebto nafaqadarro soo jireenka (Coon), xannuunyada ku dhac maskaxda, cudurka
sonkorta iyo kansarka ku dhaca
Naasaha.
Haddii ey biyahu yaraadaan waxay noqdaan kuwa wasaqeysan,
waxaana ka dhalan kara, cudurada la xiriira biyaha sida: Shuban biyoodka, Daacuunka
iyo Tiifoowka. Sidaas si la mid ah, yaraasha cuntada waxa ey sababtaa in heerka
nafaqadarada [macluusha] gaarto meel halis ah. Sababahaas ayaa kuwa ugu
waaweyn ee keena dhimashada bulshada ey saameyso Abaarta.
![]() |
| Xoolo bakhtiyay, ka dib markii ey saameysay abaarta. |
Si looga hortago halista caafimaad ey abaarraha geystaan
iyo dhimashaduba, waxaa muhim ah: - in goobahaas la geeyo shaqalaaha caafimaad,
kuwaas oo daweeyo bukaannada xannuunsan, gaar ahaan kuwa uu ku dhacay cudurrada
la xiriira biyaha. - In la qeybiyo biyo nadiif ah, maadaama biyo yaraan jirto,
haddane noqdeen kuwa wasaqeysan. – In sare u qaadis lagu sameeyo, wacyiga bulshada
ee arrimaha caafimaadka iyo nadaafadda, sida in lagu dhiirrogeliyo illaalinta
fawydhowrka iyo cabida biyo nadiif ah.
Dhinaca kale, maadaama ey jirto yaraansho cunno waxaa laga maarmaan ah – In
guud ahaan la qeybsho cunto, loona qeybiyo
bulshada la soo daristay abaarta, si loogu hortago nafaqadarada [macluusha] heerarkeeda kala duwan, ayadoo la sameynaayo
barnaamijka
cunto-qaybinta guud. – In la sameeyo barnaamijka quudinta dheeriga ah oo lagu daweynaayo bukaannada
qaba nafaqadarada [macluusha] dhexdhexaadka
ah, si looga hortago ka daridda xaaladdooda. – In la furo xarumo lagu daweeyo
bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] daran ama liita, há ahaato
xarumo bukaan socod ama kuwa bukaan jiif.
![]() |
| Qoysas Soomaaliyed oo cunto qeybin loo sameeyay, ka dib marka ey abaartu saameysay. |
Ugu dambeytii, abaaraha waxa ey bulshada ku reebaan xannuunada
ku dhac maskaxda, sida: Walaaca, Welwelka, iyo Niyad-jab / Diiqada. Waxaa muhim in dhibbanayaasha helaan la talin
xagga xannuunyada maskaxda ah, lana furo xarumo u
gaar ah xannuunnada maskaxda lagu daweeyo..



No comments:
Post a Comment