Friday, February 26, 2016

Cudurka Duumada/kaneecada.

W/Q:- Hassan kheyre
Cudurka Duumada/kaneecada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhullalka kuleylaha, sida meello ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.. sanadka 2014, 12,120 kun oo bukaan oo qaba cudurka Duumada/kaneecada ayaa la diiwaan geliyay Soomaaliya.
Gaduud: wadamada halista ugu jira cudurka Duumada. Cagaarka: wadamada aan halista ugu jirin
Duumadu/Kaneecada, waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa  nooca dhedigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada/Kaneecada.
Haddaba, noolaha sababa xanuunka Duumada/kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa beerka, si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan dhiigga, si ey cudurka u bilaabbaan laba toddobaad ka dib, inkastoo, noocyo ka mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan beerka, muddo aad u dheer. 
Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’
Calaamadaha lagu garto Duumada/kaneecada ayaa ah: qandho/xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun, xanuunka kala goysyada, matag, qar-qaryo, dhidid, iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahaan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan, amaba soo bixitaan koodu qaato, toddobaad iyo ka badan, kadib marka ey qaniinto kaneeco sumeysan.
Dadka ey Duumadu/kaneecadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood, aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin Duumo/kaneeco, markaasne uma lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo/kaneeco.
Baahsanaan cudurka Duumada soomaaliyaa iyo Goballada ukala badanyihiin.
Ma jirro talaal lagaga hortago Duumada/kaneecada, balse, waxay sababtaa xanuun xun. oo keeni kara dhimasho, kuguna dilli karo 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, iskana ilaalisid qaniinyada kaneecada. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan. Haddaba, sameey arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, seexo guri ku leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi gurigga dawooyinga dila kaneecada.
Marka laga hadlaayo daawadda Duumada/kaneecada, waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqaysid. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada, una qaado dawada sida loo qoray. 


Thursday, February 4, 2016

Ma habboon tahay, in la hirgeliyo tallaalka dabeysha aan nooleyn?

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bishan Oktoobar 2015, dowladda Soomaaliya, waxa ey hirgelisay, tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa eyna joojin doontaa, tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka ey taariikhdu tahay bisha April 2016. In la hirgeliyo tallaakan, waxa sabab u ah, ka dib, markii labo iyo toban billood ey ka soo wareegtay, qof qaba cudurka dabeysha, lagana waayay Soomaaliya.
Tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa la soo saaray sanadkii 1955, uuna soo saaray Dr Jonas Salk. Tallaalkan waxa uu ka kooban yahay, seddexda nooc ee fayruska sababa cudurka dabeysha, oo aan nooleyn.
Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%.
Bishii May 2013, shirka golaha caafimaadka adduunka, ayaa lagu ansixiyay, qorshaha cusub ee dabargoynta cudurka dabeysha, kaasoo soconaayo 2013 - 2018, ujeedaduna tahay, in dallalku ey hirgeliyaan tallaalka dabeysha aan nooleyn, ayne joojiyaan tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka taariikhdu tahay bisha April 2016.
Iyadoo hirgellinta tallaalkani wanaagsan yahay, balse, waxa muhim ah, in foojignaan loo yeesho, ka hirgelinta Soomaaliya waqtigan la joogo. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, laguma taliyo in ey isticmaalaan, dalalka ku shaacsan yahay cudurka dabeysha ama halis ugu jira. In kasto, Soomaaliya eysan ka md aheyn dalalkaas, balse, halis ayey ugu jirtaa, waayo, ma ahan markii ugu horreysay Soomaaliya, laga waayo cudurkan, welina lama xaqiijin karo, in la baab'iyay.
Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Haddii la hirgeliyo tallaakan, ka dibne la helo bukaan qaba cuddurka dabeysha, waxaa halis ah, in si fudud uu ku faafo cuddurka, waayo, tallaalka dabeysha aan nooleyn, ma joojiyo gudbinta fayruska , haddane, mandhicirka waxa uu siiyaa heer difaac oo aad u  hooseeya.
Waqtigan la joogo, ma muuqato, sabab loo joojiyo tallaalka dabeysha afka laga qaato,  marka cudurka Dabaysha laga ciribtiro Soomaaliya, isticmaalka tallaalka dabeysha afka laga qaato, waxa loo baahnaan doonaa in la joojiyo, lana billaabo tallaalka dabeysha aan nooleyn.