Sunday, February 12, 2017

Madaxweyne Farmaajo noqo, sida madaxweyne Buhari

W/Q: Hassan Kheyre

Horraantii sanadkii 2015, dadka Nigeria wax ey doorteen madaxweyne Buhari, oo ah madaxweynihii 15aad, oo uu dalkaas yeesho. Ka hor doorashadiisa, ballanqaadyada uu sameeyay waxaa ugu muhimsanaa labo qodob, oo kala ah: La dagaallanka musuqa iyo La dagaallanka ururka argagaxisada ah ee BOKO HARAM. Dhinaca kale, Soomaaliya waxa ey dooratay Madaxweyne Farmaajo, oo ah Madaxweynhii 9aad, in kastoo olalaha doorashada madaxweyne Farmaajo u la mid ahaa kii uu doorasha 2012kii ku galay, eyna ugu muhimsan yihiin: tayeynta ciidanka, sugidda amniga iyo xasalinta dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib-u-hishiisiinta.

Madaxweynaha Nigeria Buhari [bidix] iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo [midig].
Soomaaliya iyo Nigeria, waxa ey ka mideysan yihiin dhibatooyin badan, sida: amni darrada, musuqa, abaaraha soo noqnoqda, ka faa’ideysan la’aanta qeyraadka IQB. Ku dhowaad nus qarni ayey dhibaatooyinkaas ragaadiyeen waddammadaas [Soomaaliya iyo Nigeria]. Haddaba, dalka Nigeria wuxuu u muuqdaa mid ka gudbaayo caqabadahaas, hoggaamiye wanaagsan uu helay owgeed.
Dadaallo badan ayuu sameeyay Madaxweyne Buhari, si uu ugu hortago musuqa baahay ee dalkiisa ka jiray, waxa uu sameeyay guddiga ka hortagga musuqa iyo soo celinta hantida la lunsaday. Waxa uu ballan qaaday, in uu cafin doono shaqsigii iskiis u soo celiyo hanitada uu lunsaday, halka, kuwa aan soo celin xabsi loo taxaabi doono. illaa iyo hadda waa 1 sanno iyo bar, hanti lagu qiyaaay 1.3 billion dollar ayuu soo celiyay, oo iskugu jira lacago caddaan ah, guryo iyo baabuur, inta badan ey soo celiyeen Madaxweynayaal hore, Senatorro hore iyo guddoomiyaal gobal.
Dhinaca kale, waxuu shaqada ka joojiyay dhowr shirkadood, kuwaasoo qandaraasyada ku helay si musuqa ah, laguna soo eedeeyay musuq, eyna ka mid yihiin: shirkadda dhisaysa Airport-ka Abuja iyo midda dhisaysa qatka tareennada. Dadaadaalladaas tirada badan, waxa ey horseedeen, in Nigeria kor uga soo kacday liiska musuqa iyo maamul xumo, ee ey sameyso hay'adda daahfurnaanta caalamigga ah (Transparency International).
Waxaa imid dunnida aniga waxne heysan, waxa aan ka tagi doonaa wax la’aan, Maxay tahay sababta aan wax u xadaayo.
Ka hor doorashadii Madaxweyne Buhari, Ururka Boko Haram waxa ey gacan ku hayeen 1 maamul gobaleed, oo ah Borno State, sidoo kale, waxa ey weerarro dadban iyo kuwa toos ka geysan jireen guud ahaan dadlkaaas. Hadda xaaladda sidii hore wey ka duwan tahay, dowladda ayaa la wareegtay guud ahaan maamul gobaleedka ey ka talin jireen Boko Haram, amniga dadlka waa mid xasilan, sidaas si la mid ah haraadigii Boko Haram waxa ey ku firxadeen xudduudaha ey Nigeria la wadaagto waddammada Niger, Cameron iyo Chat. Howlgallada amniga waxaa barbar socday, in adeegyada aas’aasiga la gaarsiyo degaannadaas, sida: caafimaadka, waxbarasha IQB.
Saameynta ururka Boko haram oo sii yaraaneyso, ka dib marka uu xukunka la wareegay Madaxweyne Buhari
Nimaad sugeyso oo aan soo socon.
Shacabka Soomaaliyeed oo ah dad niyadsan, rajo wanaaagsan ayey ka fishaan madaxda la soo doorto, taasoo tusaale u ah, sida ay shacabka ay u soo dhoweeyaan, balse, howsha waxa ey iskugu biyo shubataa, maahmaahda aheyd: “Nimaad sugeyso oo aan soo socon iyo nimaad soortey oo aan kaa socon”
Sanadihii dambe, musuqa ka jira dalka waxa uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxaa la xalaalaystay hantida dawladda lana iibsaday, canshuurihii dalka waxaa loo samaystay shirkado gaar ah, qandaraasyada lagu ma bixiyo tartan hufan oo xalaal ah, sidaas si la mid ah waxaa sii kordhay dhaca iyo boobka loo geysanaayo hantida guud.
Dhinaca kale, nabadgelyada dalka ayaa noqotay mid faraha ka baxay, waxaa dhacay weerarro kala duwan, kuwaas loo geystay xarumo dowladeed iyo kuwa shacab, laguna dilay shacab iyo madax. Sidoo kale, faro ku heynta dowladda waxaa ka baxay magaaloooyin badan, oo Al shabaab dib u la wareegeen.
“Bil saddex gurigaaga waa kaa waddaa, guri kalena kuma gaarsiiso” fudayd iyo fadiidnimo ma fiicno, haddaba, waqtiga wuu dheeryahay oo waaa 4 sano, balse, arrimahaas oo aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo badan ayaa laga filaa, in uu wax ka qabto madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ee yeysan noqon “Sidaan kuugu lisay iigumaad hambayn”.


Friday, February 3, 2017

Abaarraha iyo caafimaadka bulshada.

W/Q: Hassan Kheyre

Sannad walba, dalka waxaa ku soo noqnoqda abaaro. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, dalka waxaa ka jiray abaaro, oo inta badan gobollada dalka saameysay, kuna baahday.
Abaartaas, waxa ey saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Saameyntaas oo ah mid dhaqaale, caafimaad, deegaan bulsho iyo kuwo kale oo badan. Haddaba, haddii aan eegno, saameynta abaaraha ku leedahay caafimaadka bulshada, waxaa loo kala qaadaa labo mid: mid waqti dhow iyo mid waqti fog. 

Qoysas Soomaaliyeed oo biyo dhaamis ku jiraan. 
Saameynta caafimaad ee waqtiga dhow, waxaa sababa: yaraansha cunnada iyo biyaha, halka midda mid waqtiga fog, ey ka mid yihiin, in ilmaha ku reebto nafaqadarro soo jireenka (Coon), xannuunyada ku dhac maskaxda, cudurka sonkorta iyo kansarka ku dhaca Naasaha.
Haddii ey biyahu yaraadaan waxay noqdaan kuwa wasaqeysan, waxaana ka dhalan kara, cudurada la xiriira biyaha sida: Shuban biyoodka, Daacuunka iyo Tiifoowka. Sidaas si la mid ah, yaraasha cuntada waxa ey sababtaa in heerka nafaqadarada [macluusha]  gaarto meel halis ah. Sababahaas ayaa kuwa ugu waaweyn ee keena dhimashada bulshada ey saameyso Abaarta.

Xoolo bakhtiyay, ka dib markii ey saameysay abaarta.
Si looga hortago halista caafimaad ey abaarraha geystaan iyo dhimashaduba, waxaa muhim ah: - in goobahaas la geeyo shaqalaaha caafimaad, kuwaas oo daweeyo bukaannada xannuunsan, gaar ahaan kuwa uu ku dhacay cudurrada la xiriira biyaha. - In la qeybiyo biyo nadiif ah, maadaama biyo yaraan jirto, haddane noqdeen kuwa wasaqeysan. – In sare u qaadis lagu sameeyo, wacyiga bulshada ee arrimaha caafimaadka iyo nadaafadda, sida in lagu dhiirrogeliyo illaalinta fawydhowrka iyo cabida biyo nadiif ah.
Dhinaca kale, maadaama ey jirto yaraansho cunno waxaa laga maarmaan ah – In guud ahaan la qeybsho cunto, loona qeybiyo bulshada la soo daristay abaarta, si loogu hortago nafaqadarada [macluusha] heerarkeeda kala duwan, ayadoo la sameynaayo barnaamijka cunto-qaybinta guud. – In la sameeyo barnaamijka quudinta dheeriga ah oo lagu daweynaayo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] dhexdhexaadka ah, si looga hortago ka daridda xaaladdooda. – In la furo xarumo lagu daweeyo bukaannada qaba nafaqadarada [macluusha] daran ama liita, há ahaato xarumo bukaan socod ama kuwa bukaan jiif.
Qoysas Soomaaliyed oo cunto qeybin loo sameeyay, ka dib marka ey abaartu saameysay.
Ugu dambeytii, abaaraha waxa ey bulshada ku reebaan xannuunada ku dhac maskaxda, sida: Walaaca, Welwelka, iyo Niyad-jab / Diiqada. Waxaa muhim in dhibbanayaasha helaan la talin xagga xannuunyada maskaxda ah, lana furo xarumo u gaar ah xannuunnada maskaxda lagu daweeyo..