Wednesday, July 30, 2014

Mataano isku dheggan

W/Q: Hassan Kheyre

Mataano isku dheggan, magaalada Mogadishu. 
Sida lagu qoray, shabakadaha soomaalida, labo gabdhood, oo isku dheggan, ayaa horraantii todobaadkaan, waxay ku dhasheen, umuliso xaafadeed ku taal degmada Kaaraan, ee magaalada Mogadishu. Labo cisho ka dib, waxaa la geeyay carruurtan, Isbitaalka Ibnu Siinaa, ee degmada Yaaqshid.
Haddaba maqaalkan, ayaa waxaan ku fallaaqeyn doonaa, xaaladda ilmahan, xubnaha ey wadaagaan, qaabka ay isugu dheggan yihiin, in ay u diyaarsan yihiin qalliinka kala sooca iyo waxyaalaha imaan kara, haddii aan wax laga qaban xaaladdooda. 
Ilmahu marka ay isku dheggan yihiin, waxaa loo yaqaannaa "Conjoined twins", oo ah, labo ilmo oo ku dhashay, ayaga oo muuqaal ahaan jirka isku dheggan yahay. "Conjoined twin", waa noocyo badan yahay, waxaana loo kala saaraa, meesha ay iskaga dheggan yihiin. "Conjoined twins", waa dhacdo aad iyo aad u yar, waxaana lagu qiyaasaa 200,000 ilmo ah oo dhasha, in 1 ka mid ah uu noqdo. Qarnigan 21aad, waxaa la diiwaan geliyay 16 ka mid ah xaaladaha dhalashada mataano isku dheggan. Inta badan waxaa lagu arkaa waddammada koonfur galbeed Aasiya iyo Africa, waxayna ku soo noqnoqataa dheddigga (hablaha). 
Waa markii 2aad, inta xog-ogaal loo yahay, oo Soomaaliya lagu arko. Waqti hore ayey aheyd, markii magaalada Baraawe, ee G/Sh/Hoose ay ku dhasheen, labo gabdhood oo mataano isakaga dheggan dhabarka, sanadkii 2008.

Wasiir ka tirsan xukkuumadda oo booqday ilmaha isku dheggan
Ilmahan waa nooca loo yaqaano "Omphalopagus", oo iskaga dheggan  xabadka hoostiisa, waxayne wadaagaan xubnaha Wadanaha,  Beerka, qeybta hoose ee Mandhicirka yar, Mandhicirka weyn iyo guud ahaan xubnaha habdhiska dheefshiidka. In kastoo xaaladda caafimaad ee ilmaha, ey wanaagsan tahay, haddana, waxaa loo baahan yahay, in laga qeybqaato, sidii loogu heli lahaa, gargaar caafimaad dalka iyo dibaddiisaba. 
Guud ahaan, heerka badbaadinta, waxaa lagu qiyaasaa 25%, qiyaasta dhimashadooda, waa 40 ilaa 60 %. inta badan "conjoined twins" waxay ku dhintaan, ilmo-galeenka dhexdiisa, ama waxay dhintaan, marka ay dhashaan ka dib.
Daaweynta "conjoined twins" waxay ku xiran tahay, hadba daruufta jirta sida:
  1. Caafimaadka ilmaha, 
  2. Meesha ey iskaga dheggan yihiin. 
  3. Xubanaha muhimka ah ee wadaagaan. 
  4. In ay u diyaarsan yihiin qaliinka kala sooca. 
  5. Qaladaadka imaan kara, xilliga qaliinka kala sooca. 
  6. iyo waxayaalaha imaan kara haddii aan la qalin, ee loo dhaafo sidooda. 
Haddii aan u soo laabto, xaaladda ilmahan, waxaa muuqato, in ilmahaanu, aysan lahayn daruufaha aan kor ku soo xusay, waayo, caafimaadka ilmaha wey wanaagsan yihiin, meesha ey iskaga dheggan yihiin, waa xabadka hoostiisa, mana wadaaagaan, xubanaha muhimka ah, sida: Wadnaha. Arrimaahan oo dhan, waxay muujinayaan, in heerka badbaadinta ilmahan uu aad u sarreeyo, rajo fiicanna leeyihiin. 

Mataano isku dheggan oo 14 jir ah, New Delhi, India
Ugu dambeyntii, waxyaalaha imaanvkara, haddii looga tago xaaladdaas, waxa ka mid ah: In mid ka mid ah maataanuhu dhinto, sidaas owgeed, xaaladdda mataanta kale, ay halisgasho, ka dibne loo baahdo qalliinka kala sooca, oo dedeg ah, kaasoo  waddanka gudihiisa aan macquul aheyn in lagu sameeyo, aqoon iyo qalab ahaan.

Mataano isku dheggan oo 30 jir ah, New Delhi, India

Tuesday, March 4, 2014

7dii mashruuc ee MSF ka fulisay Soomaaliya (M1AAD)

Qore: Hassan Kheyre
Furitaankii Isbitaalka Dayniile 

MSF mashaariic waxtar leh, ayey ka fulisay Soomaaliya. Haddaba, Mashruuca furritaankii Isbitaalka Dayniile, waxa uu ka mid ahaa, 7da mashruuc ee ugu weyn, oo ay MSF fulisay, xilli howlgalkeeda Soomaaliya.
Sanadihii 2006 ilaa 2009, dagaal ayaa ka qarxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dagaalkaas oo u dhaxeeyay, ciidamada dowladda, ciidamo Ethopiana, oo dhinaca ah iyo kooxo ka soo horjeeday. Dagaalladaas, dad badan oo rayid ah, ayaa ku dhintay, halka qaar kale ku dhaawacmeyn, waana tirradii ugu badneyd, dhaawac ama dhimasho ilaa iyo intii dagaallada sokeeye ey ka jireen Soomaaliya.
Xilligaas Muqdisho, waxa ey u qeybsaneyd labo qeyb. Qeybta galbeed, waxaa maamuli jiray dowladda Soomaaliya, halka qeybta bari, ey maamuli jireen kooxaha dowladda ka soo horjeedo. Dhammaan dhaawacyada dadka rayid ka ah, waxa gargaar iyo daryeel qalliin loogu sameyn jiray, labo Isbitaal oo ku yaallo, qeybta ey dowladda maamusha, kuwaas oo kala ahaa: Isbitaalka Madiina iyo Isbitaalka Keysaney. 
Dadka ku noolaa qeybta bari, ayaa dhibka ugu weyn ka soo gaari jireen dagaalka. Shaqaalaha gaadiidka gurmadka degdegga ah, waxay ku qaadan jirtay, saacad ama labo saac, in ay dhaawacyada gaarsiiyan isbitaallada Madiina iyo Keysaney. 
Bishii Sebtembar 2007, MSF waxa ay billowdey, in ay daryeel qalliin oo degdeg ah, ka bixiso Isbitaalka ku yaalla degmada Dayniile, oo sagaal kiilomitir, waqooyi ka xigga caasimadda. Isbitaalka Dayniile, waxaa la aasaasay, 1dii Juun 2004 waxa uuna ku yaallaa, saddex xagalka magaalooyinga Balcad, Afgooye, iyo Muqdisho. 
Hey’adda MSF, waxa ay caawin jirtay, waaxda qalliinka ee isbitaalkaas, laga billaabo bisha Sebtembar 2007 ilaa 20013, qalliimmada degdegga ah oo lacag la’aan ayey fulin jirtay. Waaxdaas waxa ey ka koobneed, 60 sariirood, labo qolalka qalliinka, goob bukaannada lagu kala saaro iyo qayb daryeelka xaaladaha degdegga.
Sanadkii 2008, Isbitaalka MSF ee Dayniile, waxa uu daaweeyey 5,250 qof, oo dhaawacyo soo gaareen, 3,093 ka mid ah, ayaa laga daaweeyey, dhaawacyo ka dhashey dagaalka, in ka badan kala bar, waxa ey ahaayeen haween iyo carruur ey da’doodu ka yar tahay 14 sano. Sanadkii 2009, MSF ayaa 24 saac, ku daaweysey 121 bukaan oo dhaawac ah, waana tiradii ugu badneyd, ee bdhaawac ah oo mar timaadda isbitaalka Dayniinle, tan iyo intii MSF ay barnaamijka qalliinka ka furtey isbitaalka Dayniile.
Xilliyada dagaallada xooggan ka dhacayeen caasimadda, dhow mar ayey dhaawacyadu ka tan badiyeen Isbitaalka, balse, shaqaalaha caafimaadku waxay ku dadaaleen, wax u qabadka bukaannada, in kastoo culeysku waxa u dhimay kartida MSF u laheyd in si ku filan, wax uga qabato baahiyaha caafimaad ee degdegga. Haddaba, culeyskaas owgeed, kooxda MSF waxa ay teendhooyin dheeri ah ka dhiseen, daaradda isbitaalka, si loogu qaabilo bukaannada cusub, oo ka batay isbitaalka.
Xilligii MSF ka fulin jirtay daryeelka qaliinka isbitaalka Dayniile, waxay khasaaro kala kulantay dagaalladii. Jimco 30kii Maarso 2012, duqeyn ayaa loo geystey isbitaalka Dayniile, oo burburisay xarunta daaweynta degdegga ee isbitaalka iyo qeyb ka tirsan qeybta qalliinka, balse, nasiib wanaag dhaawac ma soo gaarin bukaannada iyo shaqaalaha isbitaalka.
14 August 2013, ayey hey’adda MSF ku dhawaaqday, xirritaanka dhammaan mashruucyadii, ay ka fulineysay Soomaaliya, taa oo keenayso baahida caafimaad ee bulshada oo sii badan doonta.