Qore: Hassan Kheyre
Furitaankii Isbitaalka Dayniile
MSF mashaariic waxtar leh, ayey ka fulisay Soomaaliya. Haddaba, Mashruuca furritaankii Isbitaalka Dayniile, waxa uu ka mid ahaa, 7da mashruuc ee ugu weyn, oo ay MSF fulisay, xilli howlgalkeeda Soomaaliya.

Sanadihii 2006 ilaa 2009, dagaal ayaa ka
qarxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, dagaalkaas oo u dhaxeeyay, ciidamada dowladda, ciidamo Ethopiana, oo
dhinaca ah iyo kooxo ka soo horjeeday. Dagaalladaas, dad badan oo rayid ah, ayaa ku dhintay, halka qaar kale ku dhaawacmeyn, waana tirradii ugu badneyd, dhaawac ama
dhimasho ilaa iyo intii dagaallada sokeeye ey ka jireen Soomaaliya.
Xilligaas Muqdisho, waxa ey u qeybsaneyd labo qeyb. Qeybta galbeed, waxaa maamuli
jiray dowladda Soomaaliya, halka qeybta bari, ey maamuli jireen kooxaha dowladda ka soo
horjeedo. Dhammaan dhaawacyada dadka rayid ka ah, waxa gargaar iyo daryeel qalliin loogu sameyn jiray, labo Isbitaal oo ku yaallo, qeybta ey dowladda maamusha, kuwaas oo kala ahaa: Isbitaalka Madiina iyo Isbitaalka Keysaney.
Dadka ku noolaa qeybta bari, ayaa dhibka ugu weyn ka soo gaari jireen dagaalka. Shaqaalaha gaadiidka gurmadka degdegga ah, waxay ku qaadan jirtay, saacad ama labo saac, in ay dhaawacyada gaarsiiyan isbitaallada Madiina iyo Keysaney.

Bishii Sebtembar 2007, MSF waxa ay billowdey, in ay daryeel qalliin oo degdeg ah, ka bixiso Isbitaalka ku
yaalla degmada Dayniile, oo sagaal kiilomitir, waqooyi ka xigga caasimadda. Isbitaalka
Dayniile, waxaa la aasaasay, 1dii Juun 2004 waxa uuna ku yaallaa, saddex xagalka magaalooyinga Balcad,
Afgooye, iyo Muqdisho.
Hey’adda MSF, waxa ay caawin jirtay, waaxda qalliinka ee isbitaalkaas, laga billaabo bisha Sebtembar 2007 ilaa 20013, qalliimmada degdegga ah oo lacag la’aan ayey fulin jirtay. Waaxdaas waxa ey ka koobneed, 60 sariirood, labo qolalka qalliinka, goob bukaannada lagu kala saaro iyo qayb daryeelka xaaladaha degdegga.

Sanadkii 2008, Isbitaalka MSF ee
Dayniile, waxa uu daaweeyey 5,250 qof, oo dhaawacyo soo gaareen,
3,093 ka mid ah, ayaa laga daaweeyey, dhaawacyo ka dhashey dagaalka, in ka badan
kala bar, waxa ey ahaayeen haween iyo carruur ey da’doodu ka yar tahay 14 sano. Sanadkii 2009, MSF ayaa 24 saac, ku daaweysey
121 bukaan oo dhaawac ah, waana tiradii ugu
badneyd, ee bdhaawac ah oo mar timaadda isbitaalka Dayniinle, tan iyo intii MSF ay barnaamijka
qalliinka ka furtey isbitaalka Dayniile.
Xilliyada dagaallada xooggan ka
dhacayeen caasimadda, dhow mar ayey dhaawacyadu ka tan
badiyeen Isbitaalka, balse, shaqaalaha caafimaadku waxay ku dadaaleen, wax u qabadka bukaannada, in kastoo culeysku waxa u dhimay kartida MSF
u laheyd in si ku filan, wax uga qabato baahiyaha caafimaad ee degdegga. Haddaba, culeyskaas owgeed, kooxda MSF waxa
ay teendhooyin dheeri ah ka dhiseen, daaradda isbitaalka, si loogu
qaabilo bukaannada cusub, oo ka batay isbitaalka.
Xilligii MSF ka fulin jirtay daryeelka qaliinka isbitaalka Dayniile, waxay khasaaro kala kulantay dagaalladii. Jimco 30kii Maarso 2012, duqeyn ayaa loo geystey isbitaalka Dayniile, oo burburisay xarunta daaweynta degdegga ee isbitaalka iyo qeyb ka tirsan
qeybta qalliinka, balse, nasiib wanaag dhaawac ma soo gaarin bukaannada iyo shaqaalaha isbitaalka.
14 August 2013, ayey hey’adda MSF ku dhawaaqday, xirritaanka dhammaan mashruucyadii, ay ka fulineysay Soomaaliya, taa oo keenayso baahida caafimaad ee bulshada oo sii badan doonta.