W/Q: Hassan kheyre
Sanad walba, 24 bisha oktoobar
waxaa la xusaa "Maalinta Cudurka Dabeysha". Guddiga Dabagalka Madax bannaan
ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar, si ay u
qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan
ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.
Haddaba, Dunnidu waxay hal tallaabo u
jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha.
laga soo billaabo sanadka 1988dii, horumar
la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.
![]() |
| Midabka Gaduudka Wadamada Aan Laga Ciribtirin, midabka cadaanka wadamada laga ciribtiray. |
Fayruska sababa cudurka Dabeysha,
waxuu shaac/gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan,
oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo
Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu
cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga
soo bilaawo 24 luuliyo 2014.
Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno
feyrus, ku dhacaa caruurta iyo dadka waweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay
dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa habdhiska neerfayaasha
iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.
![]() |
| Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka |
Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta
cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya
waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu
ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya
lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.
Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban
bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qofqaba
cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo
cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in
cudurkii dabeysha la xakameeyey, laakiin, su'aasha qofwalba isweydiinaayo ayaa
ah: maxaa loo baaba'in la yahay cudurka dabeysha?.
Amnidarrada, nidaamyada caafimaadka
oo daciif ah, nadaafad-xumada, baahsanaan tatallaalka oo aad u yar iyo tirada dadka
hela tallaalka joogtada ah, oo aad u hooseysa. Arrimahan oo dhan ayaa u sabab
ah, in la ciribtiri waayo cudurka Dabeysha.
![]() |
Waa Madaxa WHO
somaaliya, Dr Babul iyo Wasiirada caafimaad Hawo Hassan oo Shir jaraa'id kuwada qabtay Mogadishu,
|
Taxaddar dheeraad ah ayaa lo
baahanyahay, maadaama hawshii lagu dabargoynayey
cudurkaaan weli la dhammeyn. Arrimahan soo socda, ayaa ah siyaabaha caafimaad ugu
habboon oo loo xallinkaro caqabaddaha ah:
- In la xoojiyo tallaalka carruurta ee caadiga ah, gaar ahaan tallaalka dabeysha.
- In la Sameeyo hawlaha tallaalka dheeriga ah, sida: olole ballaaran iyo isbuuca tallaalka, si ay carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano jir u helaan tallaalka.
- In la xoojiyo nidaamyada lagula soconayo cudurka Dabeysha, si aan u cudurka u sii fidin.
- Samaynta olole tallaal oo guri-ka-guri ah, gaar ahaan goobaha cudurku ka jiro, si carruur kasta oo ku nool guri kasta ay u helaaan tallaalka iyo qodobka ugu dambeeyo oo ah, In la ilaaliyo nadaafadda shaqsi iyo mid bulsho, waayo, fayadhowrka wanaagsan ayaa ah qaab looga hortegi karo faafiddiisa iyo cudurro kalaba.






