Sunday, January 3, 2016

Saameynta fatahaaduhu, ku leeyihiin caafimaadka

W/Q: Hassan Kheyre
Dawladda Soomaaliya iyo hey'adda qarammada midoobay, waxa ey sheegeen, in laga cabsi qabo, roobab iney ku fatahaan, qeybo ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale, waxaa la qiyaasay in  900,000 qof ey saameyeen.
Webigga Shabeele, oo ku fatahay agagaarka gobalka Hiiraan 
Daadadku, waa musiibo dabiici ah, oo aad u badan, taasoo saameyn ba'an ku leh caafimaadka, ha ahaato, saameyn waqti dhow ama mid waqti fog. Kuwa waqtiga dhow dhaca, waxaa ka mid ah: hafashada, qaniinyada xayaawaanka, dhaawacyada, cudurrada maqaarka iyo cudurrada faafa,  halka, dhibaatooyinka dhaawacyada, sumowga, cudurrada maskaxda, ey ka mid yihin kuwa waqtiga fog yimaada.
Biyaha daadadka, waxaa ku jiri kara waxyaabo muda ama sari kara qofka, sida: muraayad, bir, iwm, kuwaasoo sababi kara dhaawac, badanaa, waxay yimaadaan, xilliga la soo badbaadinaayo dadka iyo marka ay guryahooda ku noqdaan, dhaawacyadaas waxaa ka mid: jeextin, goysmo, murgacasho iyo dhaawacyada korantada sababta. dhinaca kale, hafashadu waxay ka mid tahay, halista caafimaad ee degdegga ah, gaar ahaan hadday biyuhu rogmayaan.
Carro-tuur looga hortagaayo fatahaadda webiga, shabeelaha dhaxe
Fatahaadahu waxay sababaan, cudurrada ka dhasha dulinka, sida: duumada, kaadi dhiigga, iwm iyo cudurrada ka dhasha biyaha, sida: daacuunka. Qaniinyada cayayaanku, sida: maska, ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka fatahaadaha.
Dhinaca kale, bulshada ey fatahaaduhu saameeyaan, waxaa lagu arkaa, cudurrada maskaxda ku dhaca, sida: walaac, argagax, niyadjab, waxaana sabab u ah, burburka guryahooda, hantidooda iyo dhimashada ehelkooda.
Ilaalinta nadaafadda shakhsiga, sida: gacan dhaqashada, waa muhiim si loo joojiyo fidista cudurrada faafa, in kastoo, ey adagtahay, in la helo biyo nadiifa oo la cabo, balse, waa u muhim  nadaafadda iyo dhaqashada gacmaha., si looga hortago cudurrada faafa.
Iska ilaali, biyaha daadadka, haddii aad qabto dhaawac furan, kuna dabool faashad, kana dhig mid nadiif ah, intii suurtogal ah, una dhaq si fiican, adigoo isticmaalaayo saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii uu ku qaniino mas, isku day in aad aragto, oo xasuusato, midabkiisa iyo qaabkiisa, waayo, waxay ku caawin, xiliga daaweynta, ka dibne raadi talo caafimaad, sida ugu dhaqsiyaha badan.