W/Q: Hassan Kheyre
Horraantii sanadkii 2015, dadka Nigeria wax ey doorteen madaxweyne
Buhari, oo ah madaxweynihii 15aad, oo uu dalkaas yeesho. Ka hor doorashadiisa, ballanqaadyada
uu sameeyay waxaa ugu muhimsanaa labo qodob, oo kala ah: La dagaallanka musuqa iyo La dagaallanka ururka argagaxisada ah ee BOKO HARAM. Dhinaca kale, Soomaaliya
waxa ey dooratay Madaxweyne Farmaajo, oo ah Madaxweynhii 9aad, in kastoo olalaha
doorashada madaxweyne Farmaajo u la mid ahaa kii uu doorasha 2012kii ku galay,
eyna ugu muhimsan yihiin: tayeynta ciidanka,
sugidda amniga iyo xasalinta dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib-u-hishiisiinta.
![]() |
| Madaxweynaha Nigeria Buhari [bidix] iyo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo [midig]. |
Soomaaliya iyo Nigeria, waxa ey ka mideysan
yihiin dhibatooyin badan, sida: amni darrada,
musuqa, abaaraha soo noqnoqda, ka faa’ideysan la’aanta qeyraadka IQB. Ku
dhowaad nus qarni ayey dhibaatooyinkaas ragaadiyeen waddammadaas [Soomaaliya
iyo Nigeria]. Haddaba, dalka Nigeria wuxuu u muuqdaa mid ka gudbaayo
caqabadahaas, hoggaamiye wanaagsan uu helay owgeed.
Dadaallo badan ayuu sameeyay Madaxweyne Buhari, si uu ugu
hortago musuqa baahay ee dalkiisa ka jiray, waxa uu sameeyay guddiga ka hortagga
musuqa iyo soo celinta hantida la lunsaday. Waxa uu ballan qaaday, in uu cafin
doono shaqsigii iskiis u soo celiyo hanitada uu lunsaday, halka, kuwa aan soo
celin xabsi loo taxaabi doono. illaa iyo hadda waa 1 sanno iyo bar, hanti lagu
qiyaaay 1.3 billion dollar ayuu soo celiyay, oo iskugu jira lacago caddaan ah, guryo
iyo baabuur, inta badan ey soo celiyeen Madaxweynayaal hore, Senatorro hore iyo
guddoomiyaal gobal.
Dhinaca kale, waxuu shaqada ka joojiyay dhowr
shirkadood, kuwaasoo qandaraasyada ku helay si musuqa ah, laguna soo eedeeyay
musuq, eyna ka mid yihiin: shirkadda dhisaysa Airport-ka Abuja iyo midda dhisaysa
qatka tareennada. Dadaadaalladaas tirada badan, waxa ey horseedeen, in Nigeria
kor uga soo kacday liiska musuqa iyo maamul xumo, ee ey sameyso hay'adda
daahfurnaanta caalamigga ah (Transparency International).
![]() |
Waxaa imid dunnida aniga waxne heysan, waxa aan ka
tagi doonaa wax la’aan, Maxay tahay sababta aan wax u xadaayo.
|
Ka hor doorashadii Madaxweyne Buhari, Ururka Boko Haram waxa ey gacan ku hayeen 1
maamul gobaleed, oo ah Borno State,
sidoo kale, waxa ey weerarro dadban iyo kuwa toos ka geysan jireen guud ahaan
dadlkaaas. Hadda xaaladda sidii hore wey ka duwan tahay, dowladda ayaa la wareegtay
guud ahaan maamul gobaleedka ey ka talin jireen Boko Haram, amniga dadlka waa
mid xasilan, sidaas si la mid ah haraadigii Boko Haram waxa ey ku firxadeen
xudduudaha ey Nigeria la wadaagto waddammada Niger, Cameron iyo Chat. Howlgallada
amniga waxaa barbar socday, in adeegyada aas’aasiga la gaarsiyo degaannadaas,
sida: caafimaadka, waxbarasha IQB.
![]() |
| Saameynta ururka Boko haram oo sii yaraaneyso, ka dib marka uu xukunka la wareegay Madaxweyne Buhari |
Nimaad sugeyso oo aan soo socon.
Shacabka
Soomaaliyeed oo ah dad niyadsan, rajo wanaaagsan ayey ka fishaan madaxda la soo
doorto, taasoo tusaale u ah, sida ay shacabka ay u
soo dhoweeyaan, balse, howsha waxa ey iskugu biyo shubataa, maahmaahda aheyd: “Nimaad
sugeyso oo aan soo socon iyo nimaad soortey oo aan kaa socon”
Sanadihii dambe,
musuqa ka jira dalka waxa uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxaa la xalaalaystay
hantida dawladda lana iibsaday, canshuurihii
dalka waxaa loo samaystay shirkado gaar ah, qandaraasyada lagu ma bixiyo tartan
hufan oo xalaal ah, sidaas si la mid ah waxaa sii kordhay dhaca
iyo boobka loo geysanaayo hantida guud.
Dhinaca kale,
nabadgelyada dalka ayaa noqotay mid faraha ka baxay, waxaa dhacay weerarro kala
duwan, kuwaas loo geystay xarumo dowladeed iyo kuwa shacab, laguna dilay shacab
iyo madax. Sidoo kale, faro ku heynta dowladda waxaa ka baxay magaaloooyin
badan, oo Al shabaab dib u la wareegeen.
“Bil
saddex gurigaaga waa kaa waddaa, guri kalena kuma gaarsiiso” fudayd iyo
fadiidnimo ma fiicno, haddaba, waqtiga wuu dheeryahay oo
waaa 4 sano, balse, arrimahaas oo aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo badan
ayaa laga filaa, in uu wax ka qabto madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ee yeysan noqon “Sidaan kuugu
lisay iigumaad hambayn”.





