Sunday, June 17, 2018

Bukaannada qaba Kansarka ku dhaca hunguri-mareenka oo ku soo badanaya Soomaaliya

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bukaannadda qaba kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, ayaa si aad ah uga soo baadanayo dalka, sida ay tilmaameyso daraasad ay sameeysay Somalia Mogadishu–Turkey Education and Research Hospital, laguna faafiyay wargeyska Seminars in Oncology.

Kansarkaan, wuxuu ku dhacaa hunguri mareenka, afka qalaad lagu yiraahdo "Eosophageal Cancer".  Wuxuu ku billowdaa buro yar oo ka soo baxdo hunguri-mareenka, taasoo marba marka ka dambaysa weynaata illaa ay xirto marinka hunguriga, waxayna badanaa ku dhacdaa qeybta hoose ee hunguriga.
Qofka xanuunkan qaba, wuxuu badanaa isbitaalka yimaadaa, markii wax liqidda ciriiri ku noqoto taasoo ah xaalad culus, balse, ka hor waxuu isku arkaa: miisaanka oo dhaca, liqidda oo dhib ku noqota, codka oo xabeeb yeesha, qufac iyo xabad xanuun.
Ujeeddada daraasaddan loo sameeyay waxay ahayd, in la ogaado xaddiga iyo baahsanaanta bukaannada qaba noocyada kala duwan ee kansarka. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday 403 bukaan oo qaba kansarka kuna sugan dalka, ayadoo la sameeyay muddada u dhaxeysay bishii jannaayo 2016 iyo maarso, 2017, ayadoo la egaayo xogta ku saabsan; nooca kansarka, da'da bukaanka iyo jinsiga.
Natiijada ka soo baxday daraasaddan ayaa ah, in bukaannada dumarka tiradoodu dhan tahay 200, halka ragguna yihiin 203. Da'da bukaannada u dhaxeyso 18 ilaa 97 sano, celceliska da'da ey tahay 53.4 sano.
Dhinaca kale, daraasaddaan ayaa soo bandhigtay natiijadda tobanka nooc ee kansarka ugu badan, kuwaaso ku dhaca bulshadeenna. kansarka ku dhaca hunguri mareenka ayaa noqday nooca ugu badan ee ku dhaca bulshadeeena (130 bukaan), halka kansarka Beerka (26 bukaan), Naaska (24 bukaan) maqaarka (17 bukaan), qanjirka cunaha (13 bukaan),  maskaxda (12 bukaan), lafaha (11 bukaan), mindhicirka iyo maroorka (11 bukaan), iyo nudaha jilicsan (11 bukaan).
Qubarada sameysay daraasaddan, sabab cilmiyaysan ma eysan sheegin, oo ku wajahan badnaashaha kansarka ku dhaca hunguri-mareenka, in kasto oo ay carrabaabeen, in loo baahanyahay cilmi-baaris dhab ah, oo lagu ogaanaayo waxyaabaha sababa kansarka ku dhaca hunguri mareenka.
kansarka ku dhaca hunguri mareenka waxaa loo arkaa, walaac ka soo shaac baxaysa Soomaaliya, marka lala barbardhigo noocyada kale kansarka. Habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo ayaa ah, in marka isku aragto, in cunnadu ku dhibayso ama cadaadis xagga hunguri mareenka aad ka dareento, in aad takhtar si dhakhso ah u la xiriirto.
Waxyaabaha loo malayn karo, in kansarkaan ka qeybqaataan waxaa ka mid ah; wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara hungurig, sida: cabidda khamriga, laab jeexa joogtada ah, cabidda waxyaalaha kulkulul, sida: shaaha, cunidda miraha iyo cagaarka oo la yaraysto, gaas calooleedka, sigaarka iyo raajo isi saaridda feeraha oo la joogteeyo.

Halkaas ka aqriso maqaalka daraasadda:-
https://www.seminoncol.org/article/S0093-7754(17)30031-3/fulltext