[MAQAAL] - 1-DA DECEMBER, MAALINTA ADIS-KA ADUUNKA
W/Q:- Hassan Kheyre.
Email:- hasanbiday@hotmail.com.
Email:- hasanbiday@hotmail.com.
Waxaa maanta aduunka looga
dabaal-degayaa maalinta Aids-ka adduunka oo sanad kasta maanta oo kale (1-da
December) laga xuso. Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill
Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta
caalamiga ah ee Aids-ka. Maalintaan waxaa loo asteeyay in dadka lagu guubaabiyo
ka hor tagga fiditaanka jeermiska HIV ee dhaliya cudurka Aids-ka iyo in aan la
takoorin dadka cudurka la nool ee aduunka ku dhaqan.
Cudurkaan
waxaa keena nooc ka mid fayruska oo loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency
Virus), feyruska noocani waxa uu toos u weeraraa unugyada difaaca jirka
Aadamiga, waxuuna hoos u dhiga difaaca jirka bani'aadamka. hoos u dhaca ama
baaba’a ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro
badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn, cuduradaas oo inta badan
sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS, AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaato ee
hoos u dhaca difaaca jirka.
HIV/AIDS waxaa markii hore la heley qiyaastii 20 sano ka hor wuxuuna muddo
yar ku noqday mid fida oo dunidoo dhan saameeyey, saddex meelood labo meelood
joogaan afrika. Wuxuu dilay dad ka badan 35 milyan intii u dhexeeysay sanadihii
1981-kii illaa sanadkii 2012, iyadoo in ka badan 43 milyan ay la noolaayeen
muddadaas dhexdeeda, wuxuuna abuuray caruur badan oo waalid la’aan ah, welina
waa sii fidayaa.
Cudurkaan waxaa u nafwaaya dad aan yareyn maalin
walba adduunka oo dhan in ka badan 5,700 oo qof ayaa maalin waliba u dhimato.
sanadkii 2012, waxaa u dhimatay cudurkaan 1.6 million oo qof halka uu ku dhaco in ka badan 6,300 oo qof maalintii, saacadii uuna ku dhaco 262 qof.
Tirade dadka la nool HIV wee sii kordheysaa laga
soo bilaawo 8 miilion sanadkii 1990 ilaa 34 miilion sanaka 2011. Wadamada
saxaraha ka hooseeya ee Africa ayaa ugu badan, 70% oo ah 25 million qofood oo
ah dadka qaba HIV ayaa ku nool dalakaas.
Halka Waqooqiga Africa iyo bariga dhaxe ku noolyihiin 300,000 qof, koonfur
bari asia 4 million qof, Latin America 1.4 million qof, yurub bari iyo bartamaha
asia 4 million, waqooyi America 1.4 million, Galbeedka iyo bartamaha yurub
900,000, Caribbean 230,000, Oceania 53,000. dhinaca kale Tirade dadka sanadkii
ku dhaca HIV wee sii yaraaneysaa inkasoo wax yar ee soo kordhaayaan tirada dadka
qaata dawada viruskaan ee antiretroviral therapy halka tirade dadka u dhimanaya AIDS wee
sii yaraanayaan.
Wadankeena somaaliya inkastoo aysan jirin xog (data) guud oo
Soomaaliya oo dhan ah, haddana waxaa muuqata in cudurkaan HIV/AIDS uu u faafayo
qaab is dhinac socda oo saddex dariiq ku socda (Somaliland, Puntland iyo
Koonfur). Tirakoobkii ugu horeeyey ee la sameeyey waxay kala ahaayeen sanadkii
2004 iyo 2007 waxay muujiyeen in dadka halista ugu jirey cudurka HIV/AIDS in ay
ahayd gobolada Koonfureed (boqolkiiba 0.6%), Puntland (boqolkiiba 0.9) iyo
Somalilanad (boqolkiiba 1.4%).
Somaliland
Tirakoobka lagu sameeyey Somaliland
waxay muujiyeen in cudurka HIV uu sii faafayey Boorama (0%) ilaa Berbera
(2.7%), halistaas oo sii fidaysay laga soo bilaabo 1999 oo uu ahaa boqolkiiba
eber (0.0%), waxana uu sannadkii 2004 gaarey boqolkiiba 2.3%, ilaa uu sannadkii
2007 gaarey boqolkiiba 2.7%. Warbixintu meel
kale waxay ku muujisay Boorame in uu gaarey 1.1%.
Puntland
Qiyaastii la sameeyey waxay muujisay sida cudurkaasi kor
ugu kacay laga soo bilaabo 2004 ilaa 2007 oo uu ka soo bilowday boqolkiiba 0%
ilaa boqolkiiba 2.2%. Sannadkii 2004 marka la eego magaalooyinka sida ay ugu
kala daban yihiin cudurkaasi waxa bilowgii la qiyaasay Gaalkacyo (boqolkiiba
1.4%), Boosaaso (boqolkiiba 0.9%) iyo Garoowe (boqolkiiba 0.7%). Markii dambe
uu aad ugu fiday Boosaaso.
Koonfurta-dhexe
Dhanka koonfureed ee
dalka nabadi kama jirin laga soo bilaabo 1991. Qiyaas fiicana lagama hayo oo si rasmi ah loogu ogaan karo sida uu isu
bedeley faafidda cudurka AIDS. Qiyaaso la sameeyey 2004 ayaa muujiyey in uu
cudurkaasi u dhexeeyey magaalada Marka (boqolkiiba 0%) ilaa Muqdisho
(boqolkiiba 1.2%). Halka HIV ee Jawhar iyo Xudur uu ahaa boqolkiiba 0.3%.
Dagaalada ka jira Muqdisho ayaa sabab u ah in aysan xaaladdu saamaxin in lagu
sameeyo tira koob rasmi ah oo lagu ogaado sida cudurkaasi u fiday.
Sida ay faafiyeen hay'adda UNAIDS iyo WHO
qiyaastii ay sameeyeen sannadkii 2009 waxaa cudurka HIV qabey 35,175 qof
oo Soomaali ah oo ku kala dhaqan Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya,
oo qiyaastii celcelis ahan da'doodu u dhaxaysay 15-jir ilaa 49-jir. Hadaba waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba oo bulshadeena
ka md ah uu fikrad ka haysto waxa uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro
bukaanka cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee la
isugu gudbiyo feyruska keena Cudurkan.
Halkaan ka aqriso Waa Maxay
HIV, AIDS?
Si kastaba ha ahaatee, cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan
ugu jireeen illaa iyo siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli lahaayeen, Waxuuna
mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku takhasustay, dowlado
badan iyo hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo lacag, illaa
iyo haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa iyo ka-hortaggiisa midnaba.
Hadaba Ka hortagga iyo
xakameynta faafidda cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii aragti islaami ah lagu
fiirsho, noqon kartana mid aan sahlanayn haddii dhaqanka reer galbeedka loo
fiiriyo, sababtuna waxay tahay faafidda cudurka AIDS-ka ayaa ah mid ku salaysan
gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) inta badan, dadka uu ku dhaco ayaa
intooda badani yihiin ragga-ragga u taga (khaniisiin) iyo dumarka iyo ragga
gogol-dhaafka sameeya. Ka-hortagga cudurkan ayaa qoloba si u aragtaa,
Si kastaba xaaladdu ha ahaatee siyaabaha ugu wanaagsan ee
cudurkan looga hortegi karo ayaa ah
1)
Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha
ah.
2)
Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo
waxa uu yahay cudurkani. Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa
la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda
Afrika haba ugu horreysee.
3)
Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu
sameeyo intaan qofka kale lagu shubin.
4)
Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale
loo isticmaalin.
Diinta islaamka ayaa si wanaagsan uga hadashay dhinacyada
nolosha aadanaha oo dhan, iyada ayaana ah dastuurka casri walbaba la jaan-qaadi
karta. Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga
(SCW) ayaa macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD HADDII AY
KU FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD HORAY U AQOON).
Xadiiskan ayaa ah mid ka turjumaaya xaaladda aynu maantay joogno. Haddaba
cudurka AIDS-ku miyuusan ahayn mid ka yimid gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo
(fuxshi) la sameeyay? Miyeysan dalal badan oo dunida ka mid ahi u ololaynayn
inay raggu ragga guursan karaan, dumarkuna dumarka guursan karaan?. Saynis
ahaan iyo islaaami ahaan markaanu ku fiirinnay cudurkan AIDS-ka ah waxaa inoo
caddaatay ibtilo uu Ilaahay aadanaha ku ibtileeyay kadib markii ay
marin-habaabeen, daawadiisa rasmiga ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay
(Quraanka iyo Sunnaha) oo sida uu yahay loogu dhaqmo.
Xigasho,
- WHO, (2000) 'Second Generation Surveillance for HIV/AIDS'
- UNAIDS (2012) 'Global Report: UNAIDS Report on the Global AIDS Epidemic 2012'
- UNAIDS (2011) 'Unite for universal access: Overview brochure on 2011 High Level Meeting on AIDS'
- Global Report: UNAIDS Report on the Global AIDS Epidemic 2012, Saturday, 1 December, 2012
·
UNAIDS report on the global AIDS epidemic 2013; UNAIDS Fact Sheet
2013. Last updated October 2013).