Sunday, December 1, 2013

[MAQAAL] - 1-DA DECEMBER, MAALINTA ADIS-KA ADUUNKA


[MAQAAL] - 1-DA DECEMBER, MAALINTA ADIS-KA ADUUNKA

W/Q:- Hassan Kheyre.
Email:- hasanbiday@hotmail.com.


Waxaa maanta aduunka looga dabaal-degayaa maalinta Aids-ka adduunka oo sanad kasta maanta oo kale (1-da December) laga xuso. Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee Aids-ka. Maalintaan waxaa loo asteeyay in dadka lagu guubaabiyo ka hor tagga fiditaanka jeermiska HIV ee dhaliya cudurka Aids-ka iyo in aan la takoorin dadka cudurka la nool ee aduunka ku dhaqan.
Cudurkaan waxaa keena nooc ka mid fayruska oo loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency Virus), feyruska noocani waxa uu toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, waxuuna hoos u dhiga difaaca jirka bani'aadamka. hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn, cuduradaas oo inta badan sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba. HIV wuxuu dhaliyaa AIDS, AIDS wuxuu u taagan yahay Astaanta la qaato ee hoos u dhaca difaaca jirka.

HIV/AIDS waxaa markii hore la heley qiyaastii 20 sano ka hor wuxuuna muddo yar ku noqday mid fida oo dunidoo dhan saameeyey, saddex meelood labo meelood joogaan afrika. Wuxuu dilay dad ka badan 35 milyan intii u dhexeeysay sanadihii 1981-kii illaa sanadkii 2012, iyadoo in ka badan 43 milyan ay la noolaayeen muddadaas dhexdeeda, wuxuuna abuuray caruur badan oo waalid la’aan ah, welina waa sii fidayaa.
Cudurkaan waxaa u nafwaaya dad aan yareyn maalin walba adduunka oo dhan in ka badan 5,700 oo qof ayaa maalin waliba u dhimato. sanadkii 2012, waxaa u dhimatay cudurkaan 1.6 million oo qof halka uu ku dhaco in ka badan 6,300 oo qof maalintii,  saacadii uuna ku dhaco 262 qof.
Tirade dadka la nool HIV wee sii kordheysaa laga soo bilaawo 8 miilion sanadkii 1990 ilaa 34 miilion sanaka 2011. Wadamada saxaraha ka hooseeya ee Africa ayaa ugu badan, 70% oo ah 25 million qofood oo ah dadka qaba HIV ayaa ku nool dalakaas.  Halka Waqooqiga Africa iyo bariga dhaxe ku noolyihiin 300,000 qof, koonfur bari asia 4 million qof, Latin America 1.4 million qof, yurub bari iyo bartamaha asia 4 million, waqooyi America 1.4 million, Galbeedka iyo bartamaha yurub 900,000, Caribbean 230,000, Oceania 53,000. dhinaca kale Tirade dadka sanadkii ku dhaca HIV wee sii yaraaneysaa inkasoo wax yar ee soo kordhaayaan tirada dadka qaata dawada viruskaan ee antiretroviral therapy halka tirade dadka u dhimanaya AIDS wee sii yaraanayaan.
Wadankeena somaaliya  inkastoo aysan jirin xog (data) guud oo Soomaaliya oo dhan ah, haddana waxaa muuqata in cudurkaan HIV/AIDS uu u faafayo qaab is dhinac socda oo saddex dariiq ku socda (Somaliland, Puntland iyo Koonfur). Tirakoobkii ugu horeeyey ee la sameeyey waxay kala ahaayeen sanadkii 2004 iyo 2007 waxay muujiyeen in dadka halista ugu jirey cudurka HIV/AIDS in ay ahayd gobolada Koonfureed (boqolkiiba 0.6%), Puntland (boqolkiiba 0.9) iyo Somalilanad (boqolkiiba 1.4%).
Somaliland
Tirakoobka lagu sameeyey Somaliland waxay muujiyeen in cudurka HIV uu sii faafayey Boorama (0%) ilaa Berbera (2.7%), halistaas oo sii fidaysay laga soo bilaabo 1999 oo uu ahaa boqolkiiba eber (0.0%), waxana uu sannadkii 2004 gaarey boqolkiiba 2.3%, ilaa uu sannadkii 2007 gaarey boqolkiiba 2.7%. Warbixintu meel kale waxay ku muujisay Boorame in uu gaarey 1.1%.
Puntland
Qiyaastii la sameeyey waxay muujisay sida cudurkaasi kor ugu kacay laga soo bilaabo 2004 ilaa 2007 oo uu ka soo bilowday boqolkiiba 0% ilaa boqolkiiba 2.2%. Sannadkii 2004 marka la eego magaalooyinka sida ay ugu kala daban yihiin cudurkaasi waxa bilowgii la qiyaasay Gaalkacyo (boqolkiiba 1.4%), Boosaaso (boqolkiiba 0.9%) iyo Garoowe (boqolkiiba 0.7%). Markii dambe uu aad ugu fiday Boosaaso.
Koonfurta-dhexe
Dhanka koonfureed ee dalka nabadi kama jirin laga soo bilaabo 1991. Qiyaas fiicana lagama hayo oo si rasmi ah loogu ogaan karo sida uu isu bedeley faafidda cudurka AIDS. Qiyaaso la sameeyey 2004 ayaa muujiyey in uu cudurkaasi u dhexeeyey magaalada Marka (boqolkiiba 0%) ilaa Muqdisho (boqolkiiba 1.2%). Halka HIV ee Jawhar iyo Xudur uu ahaa boqolkiiba 0.3%. Dagaalada ka jira Muqdisho ayaa sabab u ah in aysan xaaladdu saamaxin in lagu sameeyo tira koob rasmi ah oo lagu ogaado sida cudurkaasi u fiday.
Sida ay faafiyeen hay'adda UNAIDS iyo WHO qiyaastii ay sameeyeen sannadkii 2009 waxaa cudurka HIV qabey 35,175 qof oo Soomaali ah oo ku kala dhaqan Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, oo qiyaastii celcelis ahan da'doodu u dhaxaysay 15-jir ilaa 49-jir. Hadaba waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba oo bulshadeena ka md ah uu fikrad ka haysto waxa uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro bukaanka cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee la isugu gudbiyo feyruska keena Cudurkan.

Halkaan ka aqriso Waa Maxay HIV, AIDS?
Si kastaba ha ahaatee, cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan ugu jireeen illaa iyo siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli lahaayeen, Waxuuna mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku takhasustay, dowlado badan iyo hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo lacag, illaa iyo haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa iyo ka-hortaggiisa midnaba.
Hadaba Ka hortagga iyo xakameynta faafidda cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii aragti islaami ah lagu fiirsho, noqon kartana mid aan sahlanayn haddii dhaqanka reer galbeedka loo fiiriyo, sababtuna waxay tahay faafidda cudurka AIDS-ka ayaa ah mid ku salaysan gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) inta badan, dadka uu ku dhaco ayaa intooda badani yihiin ragga-ragga u taga (khaniisiin) iyo dumarka iyo ragga gogol-dhaafka sameeya. Ka-hortagga cudurkan ayaa qoloba si u aragtaa,
Si kastaba xaaladdu ha ahaatee siyaabaha ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortegi karo ayaa ah
1)                       Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha ah. 
2)                       Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay cudurkani. Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda Afrika haba ugu horreysee.
3)                       Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka kale lagu shubin. 
4)                       Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin.
Diinta islaamka ayaa si wanaagsan uga hadashay dhinacyada nolosha aadanaha oo dhan, iyada ayaana ah dastuurka casri walbaba la jaan-qaadi karta. Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (SCW) ayaa macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD HADDII AY KU FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN AABAYAASHOOD HORAY U AQOON). Xadiiskan ayaa ah mid ka turjumaaya xaaladda aynu maantay joogno. Haddaba cudurka AIDS-ku miyuusan ahayn mid ka yimid gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) la sameeyay? Miyeysan dalal badan oo dunida ka mid ahi u ololaynayn inay raggu ragga guursan karaan, dumarkuna dumarka guursan karaan?. Saynis ahaan iyo islaaami ahaan markaanu ku fiirinnay cudurkan AIDS-ka ah waxaa inoo caddaatay ibtilo uu Ilaahay aadanaha ku ibtileeyay kadib markii ay marin-habaabeen, daawadiisa rasmiga ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay (Quraanka iyo Sunnaha) oo sida uu yahay loogu dhaqmo.
Xigasho,
·         UNAIDS report on the global AIDS epidemic 2013; UNAIDS Fact Sheet 2013. Last updated October 2013).

Monday, September 9, 2013

HOWLGALKII MSF SOMAALIYA 1991 – 2013

W/Q: Hassan Kheyre
Ka dib, fikrado qaldan, oo laga baxshay bixitaanka MSF, ey ka baxday Soomaaliya. Warbixintan waxa ey si kooban u sharxeysaa, waxqabadkii gargaar, ee ay fidisay MSF, muddo 20 sanno ah (1991-2013). Maqaalkan, waxa aan ku xusi doonaa, waxa ay tahay MSF, sababta Soomaaliya u soo gashay, mashaariicda ey ka fulisay, caqabaddaha ey la kulantay iyo sababta uga baxday.
MSF, waa urur samafal, oo caalami ah, luqad ahaan macnaheyduna yahay, ururka daqaatiirta aan xuduudda lahayn, waana urur madax bannaan, kana madax bannaan, dowlad, siyaasad, diin, iyo qabiil. MSF waxaa la aas’aasay sanadkii 1971kii, waxaana aas'aasay, koox daqaatiir ah, oo hawlgal gargaar ka fulinayay dalka Nayjeeriyaa. Waqtiaas ka dib, MSF waxa ey noqotay urur caalami ah,  kaalmo iyo gurmad fidiya.
Haddaba, sida ku cad, xeerka MSF, waxay gargaar u fidisaa, waddammada ay ka jiraan dhibaatooyinga soo socda:-
  1. Musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa beni'adamku abuuray.
  2. Rabshadaha, gaar ahaan, dadka ku waxyeellooba dagaallada. 
  3. Cudurrada, badanaa waxay diiradda saartaa, cudurrada safmarka, nafaqadarrada, kuwa dilaaga ah sida AIDS, duumada, qaaxada, daacuunka.
  4. Waddammada/goobaha uu gargaarka caafimaadka hakad galay.
MSF, ayadoo ilaalineyso mabaadii'dayda, ayey qodobbada kor ku xusan, ka heshay Soomaaliya, waayo, inta u dhaxeysay, sanadihii 1991 ilaa 1995,  waddanka waxa ka jiray: macluul baahsan, dhaawacyo dagaal, cudurrada daacuun, jadeecada iyo wasaarad caafimaad oo aan  jirin. Sidaas owgeed, ayey MSF ku soo gashay Soomaaliya.
MSF
, sahan shaqo ayey u timid Soomaaliya, bishii desember sanadkii 1990kii, waxeyna si toos ah u shaqo billowday dagaalladii sokeeye, gaar ahaan, bisha  Janaayo 1991Laga soo billaabo, jannaayo 1991 ilaa September 2013, MSF waxay gargaar bani Aadnimo u fidisay, bulshada ku nool, 10 gobbal oo Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan degmooyinga: Baydhabo, Diinsoor, Xuddur, Jamaame, Jowhar, Kismaayo, Mareerreey, Muqdisho, Gaalkacyo, Guri Ceel, Balad Weyne, Bosaaso, Burco
Dhammaan, deegaannadaas waxay ka fulisay, mashaariic caafimaad, shaqo abuuris iyo kuwa xirfad aqooneed. Daryeelka caafimaad ey bixin jirtay, waxa u ahaa mid kooban, kuna saleysanaa, daryeelka caafimaad ee aas’aasiga. kuwaas o kala ah::-

  1. Daryeelka dhaawacyada degdegga. 
  2. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,
  3. Daaweynta nafaqadarrada,
  4. Daryeelka hooyada xilliga dhalmada,
  5. Bixinta daawo lacag la’aan ah, oo tayo leh
  6. Daaweynta iyo ka hortagga, cudurrada safmarka.
  7. Bixinta adeegayada tallaalka
Bulshada Soomaaliya iyo shaqaalaha la shaqeyn jiray ururka MSF, waxaysan hilmaami doonin, mashaariicda waxtarka lahaa, ey MSF ka fulisay Soomaaliya. 7dii mashruuc ee MSF ka fulisay Soomaaliya, waxay ka la ahaayeen:
  1. Daaweynta iyo ka hortaga cudarka daacuunka, oo ka dillaacay Soomaaliya, sanadihii 1994, 1995, 1998, 2000, 2011 iyo 2012.
  2. Daaweynta nafaqadarrada iyo macaluushii ka jirtay Soomaaliya, sanadkii 1992.
  3. Furitaanka isbitaalka Xaawo Cabdi, sanadkii 2007.
  4. Furitaanka isbitaalka Dayniile, sanadkii 2007.
  5. Hirgelinta tallaalka 5ta cudur, sanadkii 2009.
  6. Ka qeybqaadashada iyo gurmadkii abaarta bariga Afrika, sanadkii 2011.
  7. Qeybinta daawo tayo leh, 1991 – 2013.
MSF waxay kala kulantay Soomaaliya caqabaddo badan, oo iskugu jira, tacaddiyo, dilal, weerraro, afduub, loo geystay shaqaalaheeda iyo weliba, faragelin ka dhan ah, howlaha Samafal ee ka wadday Soomaaliya. In kastoo, tacaddiyadahaas ey koobanaayeen, balse, waxaa ka mid ah:
  1. 20 juun, 1997 -  Dr. Ricardo Marques, oo ka tirsanaa MSF, ayaa lagu diley isbitaalka Baydhabo. dilkaas ka dib, waxa la joojiyay, hawlihii gargaar ee  Baydhabo iyo Baardheere.
  2. Bishii Diseembar 2003 - ilaaliye u shaqeynayey MSF, ayaa la diley, ka dib weerar lagu soo qaadey, xarunta MSF Mareerreey, laakiin, mashruucdaas lama xirrin.
  3. Bishii Disembar, 2007 - laba ka mid ah shaqaalaha MSF, ayaa lagu Afduubtay Bosaaso. MSF ayaa go’aansatey, in ay xirto dhammaan hawlihii caafimaad iyo kuwii quudineed ey ka waddey daafaha magaalada Boosaaso.
  4. I8 Jannaayo, 2008- waxaa weerar qorshaysan lagu dilay, seddex ka mid ah . shaqaalaha MSF oo kala ahaa: Victor, Damien iyo Maxamed Bidhaan, iyo laba qofood oo kale, magaalada Kismayo. dilkaas ka dib, MSF waxay 84 shaqaale caalami ah, ka saartay 14 mashruuc, ey ka wadday, guud ahaan Soomaaliya.
  5. 12 Maarso, 2008 - shaqaale Soomaali ah, oo u shaqeyn jiray MSF, ayaa lagu diley degmada Balcad, balse,  wax hakad ah lama gelin mashruucyada ey waddey.
  6. 19 Abriil, 2009 - Labo shaqaale, ayaa lagu afduubtay, gobolka Bakool,  oo kala ah daqtar Beljim iyo isku-duwe caafimaad.
  7. 13 octoobar, 2011 – shaqaalo ka tirsan MSF, ayaa laga afduubay xerada Dhadhaab ee Kenya, oo kala ah; Montserrat Serra oo 40 jir ah iyo Blanca Thiebaut oo 30 jir. Laakin 21 bilood ka dib, waa la sii daayay.  isla weerarkaas waxaa lagu dhaawacay, mid ka mid ah, darawallada MSF, Maxamad Xasan Boorle, oo 31 jir ahaa.
  8. 29 Diseembar, 2011 - Philippe Havet iyo Dr. Karel Keiluhu oo ka tirsanaa MSF, ayaa dil loogu geystay magaalada Muqdisho, dilkaas owgiis, MSF waxay xirtay mashruuceeda caafimaad, kii ugu weynaa, ee ey ka fulin jirtay Muqdisho.
  9. 30 Maarso, 2012 – duqeyn ayaa loo geystey isbitaalka Dayniile, duqeyntaas ayaa burburisey xarunta daaweynta degdegga ah, ee isbitaalka iyo qeyb ka tirsan qeybta qaliinka.
Ugu dambeyntii, 14 August 2013, ayee hey’adda MSF, ku dhawaaqday xiritaanka dhammaan mashruucyadii ay ka fulineysay Soomaaliya, sida ku qeexan, war saxaafadeedka ey soo saartay, waxa eyna u sababeysay, tacaddiyo iyo faragelin ka dhan ah, howlaha Samafalka, ee ay ka wadday Soomaaliya, tacaddiyadaas oo ka yimid, kooxaha hubeysan iyo madaxda maamullada maxalliga.