Friday, March 25, 2016

Cudurka Qandho-Caseeyaha oo ka dilaacay Angola iyo Saameynta Soomaaliya ku yeelan karro.

W/Q: Hassan kheyre.

Hey’adda caafimaadka adduunka (WHO) waxa ey xaqiijisay, in cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever) uu ka dilaacay waddanka Angola. In ka badan 1,132 qof ayuu ku dhacay, kuwaas oo iskugu jirra kuwa la xaqiijiyay iyo kuwa aan la xaqiijin. 
WHO waxa ey walaac ka qabtaa, in cudurkaan ka gudbo soohdinta, uuna noqdo mid ku faafa caalamka, inkastoo, hadda uu u gudbay waddamada Shiinaha, Kenya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Soomaali badan ayaa ku nool Angola, ilaa iyo hadda 17 qof oo soomaali ah ayaa u dhimatay cudurka. halka kuwa kale oo xannuun qaba ey u soo safreen geeska Afrika iyo Soomaaliya, sida ey sheegtay BBCSomali. Illo xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in 1 (hal) wiil soomali ah u dhintay cudurka dalka kenya, kana yimid Angola.
Waddankeena aad ayuu ugu liitaa “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”, sidaas owgeed, bulshadeyna waxaa muhim in ey xil iska saarto arrintaan, eyna wax ka ogaato waxa uu yahay Cudurka Qandho Caseeyaha (Yellow Fever).
Waddamada halista ugu jira cudurka iyo kuwa gaar ku yahay.

Haddaba, Cudurka Caseeyaha ama afka qalaad lagu dhaho "Yellow Fever", waa xannuun uu sababo jeermiska fayraska, eyna kala gudbiso kaneecada. Waa xannuun la iska tallaalo, badana waxaa laga hellaa dhulalka kuleylaha.
Dadka qaar ma dareemaan calaamadaha cudurka, balse, calaamadaha waxaa ka mid ah:- qandho siyaado ah, kala goys xannuun, madax xannuun, lalabo, matag, caajis iyo tabardarro. Saacado ama maalin ka dib, waxaa billaabma in indhahu casaadaan/cagaartaan ama jaallo noqdaan, sida qofka in uu cudurka cagaarshow qabo, ka dibne waxaa yimaado dhiig bax iyo in qofka uu miyir doorsoomo, ugu dambeyn ilaa ey ka fadhiistaan kilyaha iyo beerka.
Ma jirto daawo loogu talagalay cudurkaan, laakiin qofka waxaa la siiyaa faleebo lagu fuuq celiyo iyo qandho jabiye, balse, xanuunka waxaa looga hortagaa tallaal, qofkasta oo da'diisu ka wayn tahay 9 bilood oo ku nool, u safrayo,  ama ka yimid dhulka caseeyaha uu ka dillaaco, waa in uu tallaal maraa.
Tallaabooyingaan ayaa muhim ah, si aad uga badbaadid cudurka, haddii u kugu dhacayne  saa’id kuu sii waxyeeleen:-
  1. Waa inuu qofka ka fogaadaa daawooyinka qaar sida "Asprin" waayo waxa uu sii badiyaa dhiigbaxa.
  2. Waa inuu qofka iska ilaaliyo, in ey kaneeco qaniinto si uusan xanuunka u qaadin, hadduu ku nool yahay meel halis ah.
  3. Haddii aad xanuunsatid, ha soo safrin si aadan halis u galin ehelkaaga iyo qaraabadaada,
  4. Haddi aad u safreysid waddamada khatar u ah cudurka, waa in aad qaadatid tallaalka cudurka.
Ugu dambeyn waxaa muhim, in dowaladda soomaaliya ey il gaar ah ku eegto arrintaan, eyna si adag u adkeyso “Hannaanka la socoshada iyo xaddididda cudurada safmarka”.


Fiiro Gaar ah: WHO ma eysan xaddidin socdaalka iyo safarka ganacsi ee Angola.

No comments:

Post a Comment