W/Q:-
Hassan kheyre
Cudurka Duumada/kaneecada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu
sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku
dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhullalka kuleylaha, sida meello ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika..
sanadka 2014, 12,120 kun oo bukaan oo qaba cudurka Duumada/kaneecada ayaa la diiwaan
geliyay Soomaaliya.
![]() |
| Gaduud: wadamada halista ugu jira cudurka Duumada. Cagaarka: wadamada aan halista ugu jirin |
Duumadu/Kaneecada,
waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa nooca dhedigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles
waxa ey qaataa, noolaha sababa cudurka
oo loo yaqaano ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada/Kaneecada.
Haddaba,
noolaha sababa xanuunka Duumada/kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa beerka,
si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan
dhiigga, si ey cudurka u bilaabbaan laba toddobaad ka dib, inkastoo, noocyo ka
mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan beerka, muddo aad u dheer.
![]() |
| Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’ |
Calaamadaha lagu garto Duumada/kaneecada ayaa ah: qandho/xumad,
dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun,
xanuunka kala goysyada, matag, qar-qaryo,
dhidid, iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahaan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan,
amaba soo bixitaan koodu qaato, toddobaad iyo ka badan, kadib marka ey qaniinto
kaneeco sumeysan.
Dadka ey Duumadu/kaneecadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan
buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood,
aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin Duumo/kaneeco, markaasne uma
lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo/kaneeco.
![]() |
| Baahsanaan cudurka Duumada soomaaliyaa iyo Goballada ukala badanyihiin. |
Ma jirro
talaal lagaga hortago Duumada/kaneecada, balse, waxay sababtaa xanuun xun. oo
keeni kara dhimasho, kuguna dilli karo 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa
laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, iskana ilaalisid qaniinyada
kaneecada. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta
badan. Haddaba, sameey arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha,
seexo guri ku leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi
gurigga dawooyinga dila kaneecada.
Marka laga hadlaayo daawadda Duumada/kaneecada,
waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo
sida aad u liqaysid. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan
dawada ka hortagga kaneecada, una qaado dawada sida loo qoray.



No comments:
Post a Comment