W/Q:- Hassan Kheyre.
Bishan Luuliyo,
ayaa hey'adda caafimaadka adduunka iyo sanduuqa carruurta, ee QM, waxay
daabaceen baahsanaanta tallaalka waddammada caalamka. Warbixnta ayaa lagu xusay
in ay laba-laabmatay tan iyo sanadkii 2000dii tirada dalalka gaaray oo
joogteeyay 90% baahsanaanta tallaalka.
![]() |
| Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%. |
Sanadka 2014,
xaaladda tallaalka ee dunida, oo dhan, ayaa muujinaya in 129 dal ee tallaali
karaan ugu yaraan 90% carruurtooda, gaar ahaan tallaalka 3aad ee cudurrada
Gowracatada, Xiiqdheerta iyo Teetanada.
Haddaba, sanadkii 2012dii ayaa 194 dal oo ka mid ah hey'adda caafimaadka adduunka ayaa ansixiyay qorshaha waxqabad ee tallaalka caalamka "Global Vaccine Action plan". Ujeeddada qorshahan ayaa ah, in la hubiyo, qofna uusan weynin tallaallada muhiimka ah, oo himiladuna tahay, in baahsanaanta tallaalka cudurrada Gowracattada, Xiiqdheerta iyo Teetanada uu noqdo 90% dalalka oo dhan sanadka 2015.

Si kastaba ha
ahaato, warbixintan ayaa xustay 6 dal u baahnaan doona, in wax laga badalo
qorshaha waxqabad, ee tallaalka caalamka, si loo gaaro hadafka qorshahaas.
Somaaliya ayaa ka mid waddammada u baahan isbadalka, iyadoo ay taasi jirto, ayaa 30% ilaa 40% carruurta somaaliyeed, laga tallaalay lixda cudurrada dilaaga ah, waxayne aad uga yar yihiin marka loo eego baahsanaanta tallaalka caalamiga ah, oo kudhow 80%.
Talaalku waa aaladda ugu muhiimsan, uguna wax tarka badan, ee loo adeegsado ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa, ee dilaaga ah qaarkood, cudurradaasi waxay qarniyadii hore ka mas'uul ahaayeen naafeynta iyo dhimashada malyuumaad caruur ah.
Talaalka waxa laga sameeyaa isla geermiska cudurka keena, oo laga qaaday awooddii ay ku samayn lahayd waxyaabihii qofka dhaawaca u keeni lahaa, taasi waxay u suurogalinaysaa in qofku samaysto difaac dabiici ah, uuna iska caabbiyo jeermiska cudurka keena.

| Ilmo ka mid ah caruurta Somaaliyeed oo qaadanaya talaalka |
Caqabadaha
hortaagan in lagu baahiyo tallaalka soomaaliya ayaa ah:-
-Yaraanshaha
xarumaha tallaalka. -Dadwaynaha soomaaliyeed oo aan wacyigalin fiican ka haysan
faa'iidooyinka talaalku u yeelan karo ilmahooda, -dadka qaar oo aan iyagu
ogaynba in cudurro badan oo dhallaanka ku dhaca loo hayo talaal iyo ugu
dambeyn, -dadka soomaaliyeed oo iyagu ka aamin baxsan talaalka, waayo, waqtigan
tallaalka waxaa maalgaliya misana fuliya hay’adaha reer galbeedka.
Haddaba, arrimahan oo dhan, waxa lagaga hortagi karaa, in la kobciyo helitaanka adeegyada talaalka iyo in la wacyigaliyo bulshada, loona sheego faa'iadada aan la koobi Karin, ee uu leeyahay talaalku.