Friday, February 26, 2016

Cudurka Duumada/kaneecada.

W/Q:- Hassan kheyre
Cudurka Duumada/kaneecada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhullalka kuleylaha, sida meello ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.. sanadka 2014, 12,120 kun oo bukaan oo qaba cudurka Duumada/kaneecada ayaa la diiwaan geliyay Soomaaliya.
Gaduud: wadamada halista ugu jira cudurka Duumada. Cagaarka: wadamada aan halista ugu jirin
Duumadu/Kaneecada, waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa  nooca dhedigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada/Kaneecada.
Haddaba, noolaha sababa xanuunka Duumada/kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa beerka, si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan dhiigga, si ey cudurka u bilaabbaan laba toddobaad ka dib, inkastoo, noocyo ka mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan beerka, muddo aad u dheer. 
Anopheles waxa ey qaataa, noolaha sababa  cudurka oo loo yaqaano ‘Plasmodium’
Calaamadaha lagu garto Duumada/kaneecada ayaa ah: qandho/xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun, xanuunka kala goysyada, matag, qar-qaryo, dhidid, iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahaan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan, amaba soo bixitaan koodu qaato, toddobaad iyo ka badan, kadib marka ey qaniinto kaneeco sumeysan.
Dadka ey Duumadu/kaneecadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood, aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin Duumo/kaneeco, markaasne uma lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo/kaneeco.
Baahsanaan cudurka Duumada soomaaliyaa iyo Goballada ukala badanyihiin.
Ma jirro talaal lagaga hortago Duumada/kaneecada, balse, waxay sababtaa xanuun xun. oo keeni kara dhimasho, kuguna dilli karo 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, iskana ilaalisid qaniinyada kaneecada. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan. Haddaba, sameey arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, seexo guri ku leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi gurigga dawooyinga dila kaneecada.
Marka laga hadlaayo daawadda Duumada/kaneecada, waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqaysid. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada, una qaado dawada sida loo qoray. 


Thursday, February 4, 2016

Ma habboon tahay, in la hirgeliyo tallaalka dabeysha aan nooleyn?

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bishan Oktoobar 2015, dowladda Soomaaliya, waxa ey hirgelisay, tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa eyna joojin doontaa, tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka ey taariikhdu tahay bisha April 2016. In la hirgeliyo tallaakan, waxa sabab u ah, ka dib, markii labo iyo toban billood ey ka soo wareegtay, qof qaba cudurka dabeysha, lagana waayay Soomaaliya.
Tallaalka dabeysha aan nooleyn, waxa la soo saaray sanadkii 1955, uuna soo saaray Dr Jonas Salk. Tallaalkan waxa uu ka kooban yahay, seddexda nooc ee fayruska sababa cudurka dabeysha, oo aan nooleyn.
Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%.
Bishii May 2013, shirka golaha caafimaadka adduunka, ayaa lagu ansixiyay, qorshaha cusub ee dabargoynta cudurka dabeysha, kaasoo soconaayo 2013 - 2018, ujeedaduna tahay, in dallalku ey hirgeliyaan tallaalka dabeysha aan nooleyn, ayne joojiyaan tallaalka dabeysha afka laga qaato, marka taariikhdu tahay bisha April 2016.
Iyadoo hirgellinta tallaalkani wanaagsan yahay, balse, waxa muhim ah, in foojignaan loo yeesho, ka hirgelinta Soomaaliya waqtigan la joogo. Tallaalka dabeysha aan nooleyn, laguma taliyo in ey isticmaalaan, dalalka ku shaacsan yahay cudurka dabeysha ama halis ugu jira. In kasto, Soomaaliya eysan ka md aheyn dalalkaas, balse, halis ayey ugu jirtaa, waayo, ma ahan markii ugu horreysay Soomaaliya, laga waayo cudurkan, welina lama xaqiijin karo, in la baab'iyay.
Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Haddii la hirgeliyo tallaakan, ka dibne la helo bukaan qaba cuddurka dabeysha, waxaa halis ah, in si fudud uu ku faafo cuddurka, waayo, tallaalka dabeysha aan nooleyn, ma joojiyo gudbinta fayruska , haddane, mandhicirka waxa uu siiyaa heer difaac oo aad u  hooseeya.
Waqtigan la joogo, ma muuqato, sabab loo joojiyo tallaalka dabeysha afka laga qaato,  marka cudurka Dabaysha laga ciribtiro Soomaaliya, isticmaalka tallaalka dabeysha afka laga qaato, waxa loo baahnaan doonaa in la joojiyo, lana billaabo tallaalka dabeysha aan nooleyn.

Sunday, January 3, 2016

Saameynta fatahaaduhu, ku leeyihiin caafimaadka

W/Q: Hassan Kheyre
Dawladda Soomaaliya iyo hey'adda qarammada midoobay, waxa ey sheegeen, in laga cabsi qabo, roobab iney ku fatahaan, qeybo ka mid ah gobollada dalka. Sidoo kale, waxaa la qiyaasay in  900,000 qof ey saameyeen.
Webigga Shabeele, oo ku fatahay agagaarka gobalka Hiiraan 
Daadadku, waa musiibo dabiici ah, oo aad u badan, taasoo saameyn ba'an ku leh caafimaadka, ha ahaato, saameyn waqti dhow ama mid waqti fog. Kuwa waqtiga dhow dhaca, waxaa ka mid ah: hafashada, qaniinyada xayaawaanka, dhaawacyada, cudurrada maqaarka iyo cudurrada faafa,  halka, dhibaatooyinka dhaawacyada, sumowga, cudurrada maskaxda, ey ka mid yihin kuwa waqtiga fog yimaada.
Biyaha daadadka, waxaa ku jiri kara waxyaabo muda ama sari kara qofka, sida: muraayad, bir, iwm, kuwaasoo sababi kara dhaawac, badanaa, waxay yimaadaan, xilliga la soo badbaadinaayo dadka iyo marka ay guryahooda ku noqdaan, dhaawacyadaas waxaa ka mid: jeextin, goysmo, murgacasho iyo dhaawacyada korantada sababta. dhinaca kale, hafashadu waxay ka mid tahay, halista caafimaad ee degdegga ah, gaar ahaan hadday biyuhu rogmayaan.
Carro-tuur looga hortagaayo fatahaadda webiga, shabeelaha dhaxe
Fatahaadahu waxay sababaan, cudurrada ka dhasha dulinka, sida: duumada, kaadi dhiigga, iwm iyo cudurrada ka dhasha biyaha, sida: daacuunka. Qaniinyada cayayaanku, sida: maska, ayaa ka mid ah, dhibaatooyinka fatahaadaha.
Dhinaca kale, bulshada ey fatahaaduhu saameeyaan, waxaa lagu arkaa, cudurrada maskaxda ku dhaca, sida: walaac, argagax, niyadjab, waxaana sabab u ah, burburka guryahooda, hantidooda iyo dhimashada ehelkooda.
Ilaalinta nadaafadda shakhsiga, sida: gacan dhaqashada, waa muhiim si loo joojiyo fidista cudurrada faafa, in kastoo, ey adagtahay, in la helo biyo nadiifa oo la cabo, balse, waa u muhim  nadaafadda iyo dhaqashada gacmaha., si looga hortago cudurrada faafa.
Iska ilaali, biyaha daadadka, haddii aad qabto dhaawac furan, kuna dabool faashad, kana dhig mid nadiif ah, intii suurtogal ah, una dhaq si fiican, adigoo isticmaalaayo saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii uu ku qaniino mas, isku day in aad aragto, oo xasuusato, midabkiisa iyo qaabkiisa, waayo, waxay ku caawin, xiliga daaweynta, ka dibne raadi talo caafimaad, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Friday, October 23, 2015

Maxaa loo baaba'in layahay dalka cudurka Dabeysha?

W/Q: Hassan kheyre

Sanad walba, 24 bisha oktoobar waxaa la xusaa "Maalinta Cudurka Dabeysha". Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar, si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.
Haddaba, Dunnidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii,  horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.

Midabka Gaduudka Wadamada Aan  Laga Ciribtirin, midabka cadaanka wadamada laga ciribtiray.
Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxuu shaac/gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.
Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus, ku dhacaa caruurta iyo dadka waweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa habdhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.

Tirrada Bukaanada qaba cuddurka Dabaeysha ayadoo loo eegaayo wadanmada caalamka
Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.
Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qofqaba cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in cudurkii dabeysha la xakameeyey, laakiin, su'aasha qofwalba isweydiinaayo ayaa ah: maxaa loo baaba'in la yahay cudurka dabeysha?.
Amnidarrada, nidaamyada caafimaadka oo daciif ah, nadaafad-xumada, baahsanaan tatallaalka oo aad u yar iyo tirada dadka hela tallaalka joogtada ah, oo aad u hooseysa. Arrimahan oo dhan ayaa u sabab ah, in la ciribtiri waayo cudurka Dabeysha.

Waa Madaxa  WHO somaaliya, Dr Babul iyo Wasiirada caafimaad Hawo Hassan oo Shir jaraa'id kuwada qabtay Mogadishu,
Taxaddar dheeraad ah ayaa lo baahanyahay,  maadaama hawshii lagu dabargoynayey cudurkaaan weli la dhammeyn. Arrimahan soo socda, ayaa ah siyaabaha caafimaad ugu habboon oo loo xallinkaro caqabaddaha ah:
  • In la xoojiyo tallaalka carruurta ee caadiga ah, gaar ahaan tallaalka dabeysha.
  • In la Sameeyo hawlaha tallaalka dheeriga ah, sida: olole ballaaran iyo isbuuca tallaalka,  si ay carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano jir u helaan tallaalka.
  • In la xoojiyo nidaamyada lagula soconayo cudurka Dabeysha, si aan u cudurka u sii fidin.
  • Samaynta olole tallaal oo guri-ka-guri ah, gaar ahaan goobaha cudurku ka jiro, si carruur kasta oo ku nool guri kasta ay u helaaan tallaalka iyo qodobka ugu dambeeyo oo ah, In la ilaaliyo nadaafadda shaqsi iyo mid bulsho,  waayo, fayadhowrka wanaagsan ayaa ah qaab looga hortegi karo faafiddiisa iyo cudurro kalaba.

Waa shaqaalaha tallaalka somaaliya oo jooga xirro qaxooti Magaalada Mogadishu

Friday, July 31, 2015

Baahsanaanta tallaalka iyo tilmaamta tayadiisa

W/Q:- Hassan Kheyre.

Bishan Luuliyo, ayaa hey'adda caafimaadka adduunka iyo sanduuqa carruurta, ee QM, waxay daabaceen baahsanaanta tallaalka waddammada caalamka. Warbixnta ayaa lagu xusay in ay laba-laabmatay tan iyo sanadkii 2000dii tirada dalalka gaaray oo joogteeyay 90% baahsanaanta tallaalka.

Baahsanaanta Talaalka Aduunka: Midabka cagaaran >90%, Cagaarka ifaya 80 - 89%, Haruuda 50 - 79%, Gaduud <50%.
Sanadka 2014, xaaladda tallaalka ee dunida, oo dhan, ayaa muujinaya in 129 dal ee tallaali karaan ugu yaraan 90% carruurtooda, gaar ahaan tallaalka 3aad ee cudurrada Gowracatada, Xiiqdheerta iyo Teetanada.
Haddaba, sanadkii 2012dii ayaa 194 dal oo ka mid ah hey'adda caafimaadka adduunka ayaa ansixiyay qorshaha waxqabad ee tallaalka caalamka "Global Vaccine Action plan". Ujeeddada qorshahan ayaa ah, in la hubiyo, qofna uusan weynin tallaallada muhiimka ah, oo himiladuna tahay, in baahsanaanta tallaalka cudurrada Gowracattada, Xiiqdheerta iyo Teetanada uu noqdo 90% dalalka oo dhan sanadka 2015.
Si kastaba ha ahaato, warbixintan ayaa xustay 6 dal u baahnaan doona, in wax laga badalo qorshaha waxqabad, ee tallaalka caalamka, si loo gaaro hadafka qorshahaas.
Somaaliya ayaa ka mid waddammada u baahan isbadalka, iyadoo ay taasi jirto, ayaa 30% ilaa 40% carruurta somaaliyeed, laga tallaalay lixda cudurrada dilaaga ah, waxayne aad uga yar yihiin marka loo eego baahsanaanta tallaalka caalamiga ah, oo kudhow 80%.
Talaalku waa aaladda ugu muhiimsan, uguna wax tarka badan, ee loo adeegsado ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa, ee dilaaga ah qaarkood, cudurradaasi waxay qarniyadii hore ka mas'uul ahaayeen naafeynta iyo dhimashada malyuumaad caruur ah. 
Talaalka waxa laga sameeyaa isla geermiska cudurka keena, oo laga qaaday awooddii ay ku samayn lahayd waxyaabihii qofka dhaawaca u keeni lahaa, taasi waxay u suurogalinaysaa in qofku samaysto difaac dabiici ah, uuna iska caabbiyo jeermiska cudurka keena.

Ilmo ka mid ah caruurta Somaaliyeed oo qaadanaya talaalka
Caqabadaha hortaagan in lagu baahiyo tallaalka soomaaliya ayaa ah:-
-Yaraanshaha xarumaha tallaalka. -Dadwaynaha soomaaliyeed oo aan wacyigalin fiican ka haysan faa'iidooyinka talaalku u yeelan karo ilmahooda, -dadka qaar oo aan iyagu ogaynba in cudurro badan oo dhallaanka ku dhaca loo hayo talaal iyo ugu dambeyn, -dadka soomaaliyeed oo iyagu ka aamin baxsan talaalka, waayo, waqtigan tallaalka waxaa maalgaliya misana fuliya hay’adaha reer galbeedka.
Haddaba, arrimahan oo dhan, waxa lagaga hortagi karaa, in la kobciyo helitaanka adeegyada talaalka iyo in la wacyigaliyo bulshada, loona sheego faa'iadada aan la koobi Karin, ee uu leeyahay talaalku.

Friday, July 10, 2015

Bukaannada u adkeysta dawada cudurka qaaxada oo kusoo badanayaan Soomaaliya.

W/Q:- Hassan Kheyre

Mid ka mid ah, xarumaha lagu daaweeyo cudurka qaaxada, magaalada Mogadishu
Adkeysi jeermiska sababa cudurka Qaaxada, ee u yeesha daawada, ayaa si aad uga baahayo dalka, sida ay tilmaameyso daraasad ay sameeysay Hey'adda Caafimaadka Adduunka.
Cuddurka Qaaxadu waa cuduruu sababo jeermis loo yaqaanno "Mycobacterium" oo badanaa ku dhaca sanbabbada iyo xubbno kale ee jirka. Jeermiskan sababa cuddurka Qaaxada ayaa adkeysi u yeesha labada daawo ee ugu awoodda badan, safka horana kaga jira daaweynta cudurka, kuwaas oo kala ah Isoniazid iyo Rifampin.
Tayada daawada; daawada aan la dhammeysan iyo aqoonta daryeel bixiyaasha, ayaa saameyn ku leh adkeysiga jeermiska sababa cudurka Qaaxada ee dalka.
Baahsanaanta Qaaxada, u adkeysata daawada, waa mid aad u badan. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday 500 qof, oo adkeysi u leh daawada, oo ku sugan dalka. 5.2% dadkan ayaa dhowaan laga helay cudurka Qaaxada, halka 40.8% hore looga daaweeyay cudurka.
Adkeysiga daawooyinka, ee cudurka Qaaxada, waxaa loo arkaa, walaac ka sooshaac baxaysa Somaaliya, marka lala barbardhigo, daraasad laga sameeyey dalka deriska nala ah Itoobiya iyo dalalka gobolka bariga Mediterraneanka. Sanadkii 2005, dalka Itoobiya adkeysiga daawada cudurka Qaaxada ayaa gaaray 1.6% dadka dhowaan laga helay Cudurka iyo 11.8% kuwa hore looga daaweeyay cudurka.
Dhinaca kale, daraasad laga sameeyey dalalka gobolka bariga Mediterraneanka, ayaa xuseysa qiyaasta tirada 3.4% dadka dhowaan laga helay cudurka iyo 29.9% kuwa hore looga daaweeyay cudurka.
Habka ugu muhiimsan, ee looga hortago adkeysiga jeermiska keena cudurka Qaaxada, waa in ay bukaannadu u qaataan dhammaan daawooyinka, sida uu qoray daryeel bixiyaasha caafimaadka iyo in daawada la dhammeysto oo aan la kala goyn .
1 Xarun oo lagu baaro, laguna daaweeyo bukaannada u adkeysta daawada, ayaa kutaallo Soomaaliya,  haddaba, dowladda ayaa looga bahaanyahay in tallaabooyin deg-deg ah ay ka qaadato arrintaan, si bukaannadu u helaan daawo iyo baaritaan. Sidoo kale,waxaa muhim ah helitaanka safka laabaad, ee daawada cudurka Qaaxada iyo in la tababbaro daryeel bixiyaasha caafimaadka, kuwaaso caawin kara si looga hortago Qaaxada daawada u adkeysata.

Wednesday, July 30, 2014

Mataano isku dheggan

W/Q: Hassan Kheyre

Mataano isku dheggan, magaalada Mogadishu. 
Sida lagu qoray, shabakadaha soomaalida, labo gabdhood, oo isku dheggan, ayaa horraantii todobaadkaan, waxay ku dhasheen, umuliso xaafadeed ku taal degmada Kaaraan, ee magaalada Mogadishu. Labo cisho ka dib, waxaa la geeyay carruurtan, Isbitaalka Ibnu Siinaa, ee degmada Yaaqshid.
Haddaba maqaalkan, ayaa waxaan ku fallaaqeyn doonaa, xaaladda ilmahan, xubnaha ey wadaagaan, qaabka ay isugu dheggan yihiin, in ay u diyaarsan yihiin qalliinka kala sooca iyo waxyaalaha imaan kara, haddii aan wax laga qaban xaaladdooda. 
Ilmahu marka ay isku dheggan yihiin, waxaa loo yaqaannaa "Conjoined twins", oo ah, labo ilmo oo ku dhashay, ayaga oo muuqaal ahaan jirka isku dheggan yahay. "Conjoined twin", waa noocyo badan yahay, waxaana loo kala saaraa, meesha ay iskaga dheggan yihiin. "Conjoined twins", waa dhacdo aad iyo aad u yar, waxaana lagu qiyaasaa 200,000 ilmo ah oo dhasha, in 1 ka mid ah uu noqdo. Qarnigan 21aad, waxaa la diiwaan geliyay 16 ka mid ah xaaladaha dhalashada mataano isku dheggan. Inta badan waxaa lagu arkaa waddammada koonfur galbeed Aasiya iyo Africa, waxayna ku soo noqnoqataa dheddigga (hablaha). 
Waa markii 2aad, inta xog-ogaal loo yahay, oo Soomaaliya lagu arko. Waqti hore ayey aheyd, markii magaalada Baraawe, ee G/Sh/Hoose ay ku dhasheen, labo gabdhood oo mataano isakaga dheggan dhabarka, sanadkii 2008.

Wasiir ka tirsan xukkuumadda oo booqday ilmaha isku dheggan
Ilmahan waa nooca loo yaqaano "Omphalopagus", oo iskaga dheggan  xabadka hoostiisa, waxayne wadaagaan xubnaha Wadanaha,  Beerka, qeybta hoose ee Mandhicirka yar, Mandhicirka weyn iyo guud ahaan xubnaha habdhiska dheefshiidka. In kastoo xaaladda caafimaad ee ilmaha, ey wanaagsan tahay, haddana, waxaa loo baahan yahay, in laga qeybqaato, sidii loogu heli lahaa, gargaar caafimaad dalka iyo dibaddiisaba. 
Guud ahaan, heerka badbaadinta, waxaa lagu qiyaasaa 25%, qiyaasta dhimashadooda, waa 40 ilaa 60 %. inta badan "conjoined twins" waxay ku dhintaan, ilmo-galeenka dhexdiisa, ama waxay dhintaan, marka ay dhashaan ka dib.
Daaweynta "conjoined twins" waxay ku xiran tahay, hadba daruufta jirta sida:
  1. Caafimaadka ilmaha, 
  2. Meesha ey iskaga dheggan yihiin. 
  3. Xubanaha muhimka ah ee wadaagaan. 
  4. In ay u diyaarsan yihiin qaliinka kala sooca. 
  5. Qaladaadka imaan kara, xilliga qaliinka kala sooca. 
  6. iyo waxayaalaha imaan kara haddii aan la qalin, ee loo dhaafo sidooda. 
Haddii aan u soo laabto, xaaladda ilmahan, waxaa muuqato, in ilmahaanu, aysan lahayn daruufaha aan kor ku soo xusay, waayo, caafimaadka ilmaha wey wanaagsan yihiin, meesha ey iskaga dheggan yihiin, waa xabadka hoostiisa, mana wadaaagaan, xubanaha muhimka ah, sida: Wadnaha. Arrimaahan oo dhan, waxay muujinayaan, in heerka badbaadinta ilmahan uu aad u sarreeyo, rajo fiicanna leeyihiin. 

Mataano isku dheggan oo 14 jir ah, New Delhi, India
Ugu dambeyntii, waxyaalaha imaanvkara, haddii looga tago xaaladdaas, waxa ka mid ah: In mid ka mid ah maataanuhu dhinto, sidaas owgeed, xaaladdda mataanta kale, ay halisgasho, ka dibne loo baahdo qalliinka kala sooca, oo dedeg ah, kaasoo  waddanka gudihiisa aan macquul aheyn in lagu sameeyo, aqoon iyo qalab ahaan.

Mataano isku dheggan oo 30 jir ah, New Delhi, India