W/Q: Hassan Kheyre
![]() |
| Mataano isku dheggan, magaalada Mogadishu. |
Sida lagu qoray, shabakadaha soomaalida, labo gabdhood, oo isku dheggan, ayaa horraantii todobaadkaan, waxay ku dhasheen, umuliso xaafadeed ku taal degmada Kaaraan, ee magaalada Mogadishu. Labo cisho ka dib, waxaa la geeyay carruurtan, Isbitaalka Ibnu Siinaa, ee degmada Yaaqshid.
Haddaba maqaalkan, ayaa waxaan ku fallaaqeyn doonaa, xaaladda ilmahan, xubnaha ey wadaagaan, qaabka ay isugu dheggan yihiin, in ay u diyaarsan yihiin qalliinka kala sooca iyo waxyaalaha imaan kara, haddii aan wax laga qaban xaaladdooda.
Ilmahu marka ay isku dheggan yihiin, waxaa loo yaqaannaa "Conjoined twins", oo ah, labo ilmo oo ku dhashay, ayaga oo muuqaal ahaan jirka isku dheggan yahay. "Conjoined twin", waa noocyo badan yahay, waxaana loo kala saaraa, meesha ay iskaga dheggan yihiin. "Conjoined twins", waa dhacdo aad iyo aad u yar, waxaana lagu qiyaasaa 200,000 ilmo ah oo dhasha, in 1 ka mid ah uu noqdo. Qarnigan 21aad, waxaa la diiwaan geliyay 16 ka mid ah xaaladaha dhalashada mataano isku dheggan. Inta badan waxaa lagu arkaa waddammada koonfur galbeed Aasiya iyo Africa, waxayna ku soo noqnoqataa dheddigga (hablaha).
Waa markii 2aad, inta xog-ogaal loo yahay, oo Soomaaliya lagu arko. Waqti hore ayey aheyd, markii magaalada Baraawe, ee G/Sh/Hoose ay ku dhasheen, labo gabdhood oo mataano isakaga dheggan dhabarka, sanadkii 2008.

| Wasiir ka tirsan xukkuumadda oo booqday ilmaha isku dheggan |
Guud ahaan, heerka badbaadinta, waxaa lagu qiyaasaa 25%, qiyaasta dhimashadooda, waa 40 ilaa 60 %. inta badan "conjoined twins" waxay ku dhintaan, ilmo-galeenka dhexdiisa, ama waxay dhintaan, marka ay dhashaan ka dib.
Daaweynta "conjoined twins" waxay ku xiran tahay, hadba daruufta jirta sida:
- Caafimaadka ilmaha,
- Meesha ey iskaga dheggan yihiin.
- Xubanaha muhimka ah ee wadaagaan.
- In ay u diyaarsan yihiin qaliinka kala sooca.
- Qaladaadka imaan kara, xilliga qaliinka kala sooca.
- iyo waxayaalaha imaan kara haddii aan la qalin, ee loo dhaafo sidooda.
Haddii aan u soo laabto, xaaladda ilmahan, waxaa muuqato, in ilmahaanu, aysan lahayn daruufaha aan kor ku soo xusay, waayo, caafimaadka ilmaha wey wanaagsan yihiin, meesha ey iskaga dheggan yihiin, waa xabadka hoostiisa, mana wadaaagaan, xubanaha muhimka ah, sida: Wadnaha. Arrimaahan oo dhan, waxay muujinayaan, in heerka badbaadinta ilmahan uu aad u sarreeyo, rajo fiicanna leeyihiin.
![]() |
| Mataano isku dheggan oo 14 jir ah, New Delhi, India |
![]() |
| Mataano isku dheggan oo 30 jir ah, New Delhi, India |

No comments:
Post a Comment